Muxuu Israa'iil uga dhigan yahay heshiis dhex-mara Iiraan iyo Maraykanka ?

Published
Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in heshiis looga gaaro dagaalka Iiraan iyo Maraykanka sii wadista xabbad-joojinta iyo waxa loogu yeero "heshiis is-afgarad ah", halka Israa'iil gudaheeda ay sidoo kale sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan suuragalnimada heshiiskaas iyo cawaaqibtiisa.

Su'aasha ugu weyn ma aha oo keliya in heshiis la gaari doono iyo in kale; sidoo kale waxaa la isweydiinayaa waxa ay Israa'iil sameyn doonto haddii Washington iyo Tehran ay is-afgarad gaaraan.

Warbaahinta Israa'iil, xarumaha cilmi-baarista, iyo goobaha amniga, dooddu waxay u muuqataa inay ka gudubtay isku daygii lagu hor istaagi lahaa heshiiska gebi ahaanba, waxaana diiradda la saaray sida ay Israa'iil ula tacaali doonto heshiis suurtagal ah oo saameyn ku yeelan kara kaliya ma aha barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, balse sidoo kale xorriyadda ay Israa'iil u leedahay tallaabooyinka militari ee gobolka.

Waa maxay heshiiska ay Israa'iil ka walwalsan tahay?

Walaaca ugu wayn ee Israa'iil haysta ayaa ah in heshiiska suurtagalka ahi uu u ekaado nooc wax laga beddelay oo ka mid ah heshiiskii JCPOA, kaas oo xaddidaya barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan laakiin aanan ku jirin gantaallada Tehran, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo kooxaha ay Iiraan taageerto.

Wargeyska Israa'iil ee The Times of Israel ayaa dhawaan qoray in dad badan oo Israa'iil ku sugan ay ka walaacsan yihiin in heshiis kasta oo dhaca aanu lagu gaari doonin yoolalkii la dejiyay bilowgii dagaalka, laga bilaabo xaddididda saameynta gobolka ee Iiraan ilaa wiiqidda qaab-dhismeedka militari ee Tehran iyo isbahaysiyada ee Iiraan ku leedahay gobolka.

Wargeysku wuxuu sidoo kale qoray in kaalinta Israa'iil marxaladdan aysan mar dambe noqon karin helidda "guul buuxda," balse ay noqon karto helidda dammaanado cadcad oo ka yimaada Washington oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan iyo khatarta ka timaadda Xisbullah.

Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil gudaheeda ma jiro wax la isku raacsan yahay oo saabsan sida xaaladdan loola tacaalayo.

Danny Citrinovich, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka ee Israa'iil isla markaana hore u ahaa madaxa waaxda Iiraan ee hay'adda sirdoonka militariga Israa'iil, ayaa ku qoray akoonkiisa X-Net in heshiiska soo baxaya ee u dhexeeya Tehran iyo Washington uu yahay "siyaabo badan, xaalad riyo xun u ah Netanyahu."

Wuxuu ka digay in haddii wada-hadallada ugu dambeeya ay galaan hakad dheer isla markaana maamulka Trump uu si tartiib ah u lumiyo xiisaha arrintan, ay dhici karto in la gaaro xaalad uu u arko inay ka sii xun tahay tii ka horreysay dagaalka, xaalad uu ku tilmaamay: "aan jirin xaddidaad dhab ah oo saaran barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, iyo in aysan jirin rajo muujineysa in Maraykanku uu dib u bilaabi karo tallaabooyin militari oo Iiraan ka dhan ah, isla markaana saameynta gobolka ee Tehran ay sii kordheyso."

Dhanka kale, waxaa jira qaar kale oo gabi ahaanba aaminsan in heshiis kasta oo dhaca uu yahay doorasho xun maadaama dagaalku uusan gaarin yoolalkii Israa'iil iyo Maraykanku doonayeen.

Kala duwanaanshahan aragtiyeed wuxuu muujinayaa qayb ka mid ah farqiga ka dhex jira laamaha amniga ee Israa'iil: heshiis suuragal ah wuxuu noqon karaa mid aan la jeclayn, guuldarro buuxda iyo xaalad kale oo horseedi karta khatar kasii badna tii hore.

Jawigan dhexdiisa, Israa'iil waxay wajahaysaa doorashooyin iyo ikhtiyaarro kala duwan.

Doorashada 1aad: Isku Dayga in qodobbada heshiiska laga dhigo kuwo adag

Mid ka mid ah doorashooyinka ugu horreeya ee Israa'iil waa inay isku daydo inay saameyn ku yeelato qoraalka ugu dambeeya ee heshiiska. Maqaal lagu daabacay 6-dii May, Machadka Jerusalem ee Istaraatiijiyadda iyo Amniga ayaa soo xigtay Yaakov Amidror, oo hore u ahaa lataliyaha amniga qaranka ee Israa'iil isagoo sheegay in dalabaadka ugu waaweyn ee Israa'iil ee heshiis kasta oo suurtagal ah oo lala galo Iiraan ay tahay: joojinta kobcinta yuraaniyamka, xaddidaad lagu saaro barnaamijka gantaallada, iyo hannaan adag oo lagu dhaqan geliyo heshiiska.

Aragtidan waxay sharxaysaa doorashada ay Israa'iil weli raaci karto: isku dayga in heshiis kasta oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan laga dhigo mid aad adag oo meel ku xira Tehran.

Dhammaan falanqeeyayaasha Israa'iil ma aaminsana in heshiiska, xitaa haddii uu yahay mid ay qoraalkiisu qeyb ka tahay uu yahay mid la aqbali karo.

Wargeyska Jerusalem Post, isagoo soo xiganaya saraakiil sare oo Israa'iiliyiin ah ayaa qoray in heshiiska soo baxaya ee u dhexeeya Tehran iyo Washington uusan ahayn"heshiis anfacaya Israaill", taas beddelkeedana uu dirayo farriin ah inay Iiraan heli karto tanaasulaad dheeraad ah oo Maraykanka ka yimaada iyadoo abuureysa xiisado iyo cadaadis dhanka Marinka Hormuz.

Laakiin qaar ka mid ah kormeerayaasha ayaa sheegaya in farqiga u dhexeeya dalabaadka Israa'iil iyo waxa maamulka Trump diyaar u yahay uu weli yahay mid weyn.

Doorashada 2aad: Ilaalinta "awoodda Militari"

Doorashada kale ee Israa'iil u badan tahay inay isku daydo waa inay ilaaliso xitaa haddii heshiis la gaaro waxa saraakiisha amniga Israa'iil ugu yeeraan "xorriyadda tallaabada", awoodda lagu fulin karo weerarro ama hawlgallo militari oo ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan iyo gobolka xitaa haddii Tehran iyo Washington heshiis gaaraan.

Michael Rubin oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka American Enterprise Institute isla markaana hore uga tirsanaa Pentagon-ka, ayaa wareysi uu siiyay BBC Persian ku sheegay: "Haddii Israa'iil aysan qayb ka ahayn heshiiska, dhammaan waxa ay dooneyso waa kuwo u furan".

Wuxuu aaminsan yahay in Israa'iil laga yaabo inay sugto muddo, laakiin aysan u badnayn inay muddo dheer isku aragto inay ku xiran tahay heshiis aysan saxiixin.

Rubin wuxuu sidoo kale sheegay in haddii Israa'iil dareento in Iiraan ay noqotay "khatar jirita", waa ay weerari kartaa".

Wuxuu intaas ku daray: "Trump mar walba wuxuu u maleeyaa inuu haysto ul sixir ah oo uu ruxi karo si uu nabad u keeno. Netanyahu-na ma doonayo inuu si toos ah uga hor yimaado fikraddaas, maadaama Trump uu si fudud uga falceliyo dhaleeceynta".

Doorashada 3aad: Ku Noqoshada Dagaalka Qarsoon

Haddii heshiiska cusub uu xaddido awoodda Israa'iil ay ku qaadi karto tallaabooyin militari toos ah, waxay dib ugu noqon kartaa habka loo yaqaan "dagaalka qarsoon, sida taxane ka kooban weerarro internet-ka ah, khalkhal gelin, dilal qarsoon, iyo cadaadis xogeed oo muddo dheer qayb ka ahaa istaraatiijiyadda Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan.

Laakiin waxay u muuqataa in qaar ka mid ah goobaha amniga Israa'iil dooddu aysan ku koobnayn waxyeellaynta barnaamijka nukliyeerka.

Bogga Ynet, oo xiriir la leh kooxda warbaahinta Yedioth Ahronoth ayaa warbixin muhiim ah oo 22-kii Maarso 2026 daabacay ku sheegay in madaxa Mossad David Barnea uu Netanyahu siiyay qiimeyn ka hor dagaalka taas oo ahayd in Israa'iil kaalin ka qaadan karto kicinta kacdoon gudaha Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay xustay in inkastoo weerarrada iyo hawlgallada qarsoon aysan kicin kacdoon ballaaran, isla markaana qaar ka mid ah saraakiisha Maraykanka iyo falanqeeyayaasha sirdoonka Israa'iil ay markii horeba ka shaki qabeen fikraddan.

Warbaahintu waxay qortay in qaar ka tirsan hay'adaha amniga Israa'iil ay rumaysnaayeen in isku darka cadaadis dibadeed iyo niyad-jab gudaha ahi uu Jamhuuriyadda Islaamiga ah gelin karo xaalad ay ku blumin karto awooddeedii.

Sidaas darteed, Israa'iil waxay mar kale adeegsan kartaa habkaan si ay saameyn ugu yeelato xaaladda Iiraan iyo guud ahaan gobolka

Doorashada 4aad: Diiradda in ay saarto Xisbullah iyo Isbahaysiga Gobolka ku leedahay Iiraan

Marka laga reebo arrinta nukliyeerka, qodobka kale ee Israa'iil ka walaacsan tahay wuxuu la xiriiraa saameynta gobolka ee Iiraan laga bilaabo Xisbullah ee Lubnaan ilaa kooxaha hubaysan ee Tehran ku dhow ee Ciraaq, Suuriya, iyo Yeman.

Saraakiisha Iiraan waxay adkeeyeen baahida loo qabo in arrimaha Lubnaan lagu daro is-afgarad kasta oo suurtagal ah.

Tani waxay xaddidi kartaa awoodda Israa'iil ee saameynta ay ku leedahay xulafada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee gobolka, si kastaba ha ahaatee, cidina si dhab ah uma oga sida ay dowladda Netanyahu uga go'an tahay arrintan.

Qaar ka mid ah kormeerayaasha ayaa sheegaya in xaaladdan, Lubnaan iyo Xisbullah ay noqon karaan goobta ugu weyn ee khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil.

Max Abramsoo ah professor cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Northeastern ee Maraykanka ayaa BBC Persian u sheegay in si ka duwan sheegashooyinka qaar, Israa'iil ay dagaalkii dhowaa ku muujisay inay ugu dambayn raacdo go'aamada Trump.

Wuxuu sheegay in markii Trump uu Netanyahu ka codsaday inuu joojiyo weerarrada Iiraan, "diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil isla markiiba dib u soo laabteen."

Abrams wuxuu sheegay inuusan filaynin in Netanyahu uu ka hor imaan doono rabitaanka Trump si uu dagaal buuxa uga bilaabo gudaha Iiraan.

Dhanka kale, tallaabooyinka suurtagalka ah ee Israa'iil ka qaadi karto Lubnaan waxay noqon doonaan kuwo ka hooseeya weerarrada Iiraan, taas oo kordhin karta suurtagalnimada in Netanyahu uu balaariyo dadaallada lagu wiiqayo heshiiska.

Abrams wuxuu sidoo kale tilmaamay in xiisadaha ku saabsan Lubnaan iyo Xisbullah ay u badan tahay inay sii socdaan, halkaas oo Israa'iil ay sii wadi karto hawlgalladeeda militari xitaa haddii taasi ay adkeyso xiriirka Maraykanka iyo Iiraan.

Maxaa xaddidaya Israa'iil?

Inkasta oo doorashooyin lasoo bandhigay, haddana Israa'iil waxay wajahaysaa culeysyo badan oo xaddidaya.

Dagaalladii dhawaa waxaa ku baxay kharash militari oo badan, halka ku tiirsanaanta Israa'iil ee taageerada Maraykanka dhinaca hubka iyo taageerada siyaasadeedba ay weli aad u sarreyso.

Qaar ka mid ah hay'adaha amniga Israa'iil waxay qabaan aragti ah in xitaa haddii heshiis la gaaro Tehran iyo Washington, dhibaatadu aysan dhab ahaan dhammaan doonin.

Sababtaas awgeed, qaar ka mid ah dadka dhaliila Netanyahu waxay u badan tahay inay ku doodaan in iyadoo dagaalka la bilaabay, Israa'iil aysan kaliya ku guuldareysan inay gaarto yoolalkeedii ugu dambeeyay, balse sidoo kale ay iftiimisay qaar ka mid ah meelaha ay ka taag daran tahay Israa'iil.

Aragtida dadkaas, haddii ugu dambayn Israa'iil lagu qasbo inay aqbasho heshiis u eg JCPOA, markale waxaa la isweydiin doonaa waxa ay dhab ahaan u horseedday Maraykanka iyo Israa'iil ka bixitaankii heshiiskii hore ee saarayay barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan nidaamkii kormeerka ugu ballaarnaa ee Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA).