You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaya isku dhacyo ilaa xalay ka socday Muqdisho

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tan iyo shalay galab iska hor'iaamdyo goos goos ah ay ka dhacayeen degmooyinka Hawlwadaag iyo Cabdicasiis.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Faahfaahin kasoo kordheysa xaaladda Muqdisho

    Xaaladda degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa deggan kadib markii lagu qanciyay raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre guri uu shalay halkaas ka degay inuu ka laabto, uuna dib ugu laabto guri uu ka degganaa agagaarka garoonka diyaaradaha.

    Ciidamo ka tirsan kuwa hay'adda sirdoonka NISA ayaa ka kaxeeyay guriga uu ka degganaa degmada Howl-wadaag, iyagoo u kaxeeyay guriga uu ka deggan yahay agagaarka garoonka.

    Ciidamadii isku hor fadhiyay Howl-wadaag ayaa la kala qaaday. Waxaa sidoo kale jira wada-hadal xubno ka tirsan dowladda iyo isaga dhex maray, iyadoo ciidankiisiina halkaasi laga qaaday.

    Dhanka kale, waxaa iska hor imaadyo goos goos ah laga soo werinayaa guriga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, halkaasoo ilaaladiisa iyo kuwa dowladda ay tan iyo xalay dhowr jeer isku dhaceen.

    Dowladda ayaa dooneysa inuu isaga baxo halkaas, isla markaana uu ku laabto gurigii uu ka degganaa agagaarka garoonka.

    Dadaallo kale oo nabadeed ayaa socda, balse weli ma jiraan wax ka soo baxay.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  2. Farriin qoraal ah oo ka timid Mojtaba Khamenei sanadguuradii geeridii Ruhollah Khomeini

    Ka duwan 36-kii sano ee la soo dhaafay, markii Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Cali Khamenei, uu khudbad ka jeedin jiray xuska sanad-guurada geeridii aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, sanadkan waxaa keliya la akhriyay qoraal ka yimid Mojtaba Khamenei, waxaana akhriyey Mohammad Javad Haj Ali Akbari, oo ah imaamka ku-meelgaarka ah ee salaadda Jimcaha ee Tehran.

    Farriinta ayaa lagu sheegay: “Cadowgu wuxuu guuldarro kala kulmay wiilashiinna geesiyaasha ah ee ciidamada qalabka sida, gaar ahaan markii uu la kulmay dharbaaxo go’aan leh, ha ahaato dagaal milatari ama furumaha iyo waddooyinka, taas oo uu ku dareemayo ceeb iyo hoos u dhac qoto dheer oo macno leh.”

    Farriinta ayaa intaa ku dartay “cadowgu wuxuu diiradda saaray dagaal isku dhafan oo uu ku beegsaday laba arrimood: mid waa adkaysiga shacabka, midka kalena waa inuu khalad geliyo nidaamka fikirka iyo xisaabinta ee masuuliyiinta dalka.”

    Mojtaba Khamenei ayaa sidoo kale laga soo xigtay in “cadowga” uu isticmaalo qalabkiisa ugu weyn oo ah “shaki iyo kala fogeyn,” wuxuuna Hoggaamiyuhu ugu baaqay dadka inay “fashiliyaan qorshaha cadowga iyagoo adkaysi muujinaya isla markaana ilaalinaya midnimo, isku xirnaan iyo kalsooni wadaag.”

    Wuxuu intaas ku daray in “doorka masuuliyiinta ee arrimahan uu aad muhiim u yahay,tallaabo kasta oo keenta niyad-jab ama rajo-xumo shacabka dhexdiisa ah waxaa loo arkaa inay caawinayso cadowga dalka iyo dadka.”

    Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka Hoggaamiyahii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ayaan si toos ah uga soo muuqan fagaarayaasha dadweynaha tan iyo weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil, waxaana kaliya la akhriyaa farriimo qoraal ah oo lagu sheegay inay isaga ka yimaadeen.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  3. Caymiska Dhexe ee Iran: 1430 bilyan oo magdhow ah la siiyay milkiilayaasha baabuurtii ku waxyeeloobay dagaalka

    Shirkadda Caymiska Dhexe ee Iran ayaa ku dhawaaqday in ilaa hadda magdhow la siiyay 17,000 oo kiis oo la xiriira gaadiidkii ku waxyeelloobay weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday.

    Shirkaddu waxay sheegtay in milkiilayaasha gaadiidkaas la siiyay magdhow dhan in ka badan 1,430 bilyan oo toman oo u dhiganta 8.23 milyan oo dolar.

    Hore ayaa loo shaaciyay in guud ahaan ku dhawaad 30,000 oo gaari ay waxyeello soo gaartay intii lagu jiray labadaas dagaal.

    Horaantii toddobaadkan, Muuse Rezaei Mirqaed, oo ah madaxa Shirkadda Caymiska Dhexe ee Iran, ayaa sheegay in lacag-bixinnada hordhaca ah ee la xiriira khasaaraha diyaaradaha iyo maraakiibta ay dhawaan bilaaban doonaan.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  4. Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil: Israa'iil waxay sii waddaa hawlgallada dhulka ee koonfurta Lubnaan

    Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa Khamiistii sheegay in dalku sii wadi doono howlgallada dhulka ee koonfurta Lubnaan “illaa iyo inta laga gaarayo go’aan kale,” isla markaana dadka reer koonfurta Lubnaan ee ay Israa’iil ka barakicisay guryahooda aysan awoodi doonin inay ku laabtaan.

    Hadalkan ayaa yimid maalin kadib markii Lubnaan iyo Israa’iil ay ku dhawaaqeen in ay heshiis ka gaareen wada-hadallo ka dhacay Washington oo ku saabsan hirgelinta xabbad-joojin, taas oo ku xiran “joojinta buuxda” ee weerarrada Xisbullah iyo buuxinta shuruudo kale oo dhowr ah.

    Qoraalkiisa maanta, Mr. Katz wuxuu sheegay in ciidamada Israa’iil ay sii joogi doonaan waxa loogu yeero aagga difaaca ee koonfurta Lubnaan, oo ay ku jirto deegaanka Beaufort Castle, oo ah qalcad 900 sano jir ah oo Israa’iil ay qabsatay Sabtidii.

    Wuxuu sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto “burburinta kaabeyaasha waxa ay ku tilmaantay argagixisada gobolka,” isla markaana ay yeelan doonto “xorriyad ay ku hawlgasho, iyadoo taageero ka helaysa Maraykanka, si ay u weerarto Beirut haddii weerarro lagu qaado magaalooyinka iyo dhulka Israa’iil.”

    Lubnaan iyo Israa’iil ayaa Arbacadii ku heshiiyey xabbad-joojin cusub oo ay garwadeen ka tahay Maraykanka. Hore ayay u gaareen heshiis joojinta colaadda bishii April, kaas oo la kordhiyay bishii May, balse dagaalku wuu sii socday.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  5. Saxmadda gaadiidka ee waddooyinka u baxa waqooyiga Iran

    Wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee IRNA ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4-ta June sheegtay in waddooyinka u baxa goobaha dalxiiska iyo meelaha lagu nasto ee waqooyiga Iran ay ka jiraan ciriiri badan oo gaadiid.

    Hadi Ebadi, oo ah madaxa booliiska taraafikada ee gobolka Mazandaran, ayaa sheegay in waddooyinka isku xira gobollada iyo meelaha laga soo galo gobolka ay aad u mashquulsan yihiin.

    Wuxuu intaa ku daray in “saacadaha soo socda ay suuragal tahay in la soo rogo xayiraado taraafiko oo dheeraad ah waddooyinka Kandovan iyo Haraz.”

    Sidoo kale wuxuu sheegay in “mamnuucidda gaadiidka ee jihada waqooyi ilaa koonfur ee waddada Chalus ay sii socon doonto ilaa amar dambe, si loo yareeyo saxmadda gaadiidka ee waddadan.”

    Sannad kasta 4-ta iyo 5-ta Jun, oo ah maalmo fasax rasmi ah oo ku beegan sanad-guurada geeridii hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isla markaana ay dowladdu qabato munaasabado xus ah, muwaadiniin badan ayaa ka faa’iideysta fursaddan si ay u galaan safarro dalxiis iyo nasasho.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  6. Qiimaha Shidaalka oo ku dhow $100 foostadii ka dib markii Iran ay weerartay Kuwait iyo Bahrain

    Qiimaha shidaalka ceeriin ee nooca Brent ayaa gaaray qiyaastii $97 halkii foosto suuqyada Aasiya subaxnimadii Khamiista.

    Weerarkii Iran ay shalay ku qaaday Kuwait iyo Bahrain, iyo sidoo kale weerarkii milatari ee Maraykanku ku qaaday markab shidaal siday oo ku sii jeeday dekedaha Iran iyo goobo ku yaalla koonfurta jasiiradda Qeshm, ayaa sababay qalalaase cusub oo ka abuurmay suuqa shidaalka.

    Si kastaba ha ahaatee, wararka ku saabsan heshiis xabbad-joojin ah oo dhex maray Lubnaan iyo Israa’iil ayaa la filayaa inay ka hortagaan in qiimaha shidaalka Brent uu kor u dhaafo $100 halkii foosto dhammaadka toddobaadkan.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  7. Uk oo war ka soo saartay isku dhacyada Muqdisho

    Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa War qoraal ah oo ay dhawaan soo saartay waxay walaac kaga muujisay isku dhacyada ka dhacay magaalada Muqdisho.

    "UK waxay si weyn uga walaacsan tahay wararka sheegaya rabshadihii ka dhacay Muqdisho xalay," ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay safaaradda UK.

    Dowladda UK ayaa ugu baaqday dhinacyada in ay is-xakameeyaan ayna qeyb ka noqdaan wadaxaajoodyada.

    "Rabshaduhu waa wax aan la aqbali karin, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, kana qayb qaataan wada-hadal loo dhan yahay oo wax dhisaya si xiisadaha loogu xalliyo si nabad ah". ayaa intaa lagu daray.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  8. Mareykanka oo war ka soo saaray isku dhacyada Muqdisho

    Dowladda Mareykanka ayaa goor dhaw war qoraal ah ka soo sartay isku dhacyadii ilaa xalay ka socday magaalada Muqdisho.

    Qoraalka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa isku dhacyada ku tilmaamay "kuwa aan laga fiirsan"

    "Rabshadaha ka socda Muqdisho waa kuwo aan laga fiirsan oo khatar ah. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee dhinac kasta ka tirsan wsaaran masuuliyad ay ku ilaaliyaan xasilloonida dalka isla markaana ay ku xalliyaan khilaafaadkooda si nabad ah.

    Qoraalka safaradda Mareykanka ayaa sidoo kale farta ku fiiqay muhiimadda ay leeyihiin maalmaha so socda muqtaqbalka Soomaaliya.

    "Tallaabooyinka la qaado saacadaha iyo maalmaha soo socda waxay yeelan karaan saameyn waarta oo ku saabsan amniga Soomaaliya, midnimadeeda, iyo mustaqbalkeeda". ayuu intaa ku daray qoraalka.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  9. Gambaleelka bixiya digniina weeerarada soo fool-leh oo laga yeerayay wuqooyiga Israa'iil

    Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in seeriga digniinta la shiday kadib markii la ogaaday wax ay ku tilmaantay “shay duulaya oo laga shakiyay” oo ka muuqday hawada deegaanka Kfar Yuval ee waqooyiga dalka.

    Sida ay sheegeen militariga Israa’iil, digniintaas hadda waa la soo afjaray, mana jirto cid wax ku noqotay ama dhaawac soo gaaray.

    Isla waqtigaas, militarigu wuxuu sheegay in digniin kale la diray kadib markii la ogaaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu arkay tuulada Arab Aramsha ee u dhow halkaas, balse markii dambe la xaqiijiyay inay ahayd digniin been ah oo khalad ku diray nidaamka ogaanshaha.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  10. War deg deg ah, Booliiska gobolka Banaadir oo ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho

    Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa war qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay inn 'in ciidanku ku hawlan yihiin soo afjaridda hawl-gal uu ku sheegay "in ay wadaan Hay’adaha Amniga Caasimadda, kaas oo lagu sifeynayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus, kuwaas oo hoobiyeyaal ku garaacay qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda".

    Tan iyo shalay galab magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socday iska hor imaadyo dagaal sababay, kuwaas oo dhex maray ciidanka dowladda iyo ilaalada qaar kamid xubnaha mucaaradka oo maanta qorsheenayey in ay qabtaan bannaan bax lagaga soo horjeedo dowladda.

    Sida uu sheegay taliyaha booliiska ma jiro wax bannaan ah oo la iskugu iman karo isaga oo dadka ugu baaqay "nay ka feejignaadaan falalka abaabulan ee hubeysan ee lidka ku ah amniga iyo xasilloonida, isla markaana ay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni buuxda", ayuu ku yiri qoraalka.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  11. War deg deg ah, Dowladda Soomaaliya oo Ra'iisul wasaarihii hore Xasan Cali kheyre ku eedeesay in uu soo abaabulay weerar lagu qaaday xarun ciidan degmada Howlwadaag

    War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay in dowladdu ay ka digeyso falalka amniga lagu dhaawacayo, iyada bayaanka lagu yiri "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre.

    Dhanka Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

    "Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.'

    Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.

    "Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday' oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan", lama hubo in uu dhici doono dibad-baxa ay ku baaqeyn mucaaradka.

  12. Israa’iil iyo Lubnaan oo gaaray heshiis hirgelinta xabbad-joojinta ah, iyada oo Xisbullah ay tahay shuruudda ugu weyn ee heshiiska

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in Israa’iil iyo Lubnaan ay gaareen heshiis lagu hirgelinayo xabbad-joojintii ay hore u wada galeen, taas oo dhaqan geli wayday

    Tani waxay imaaneysaa kadib markii ugu yaraan sagaal qof ay ku dhinteen weerarro ay Israa’iil ka fulisay koonfurta Lubnaan maalintii Arbacada oo keliya.

    Sida lagu sheegay heshiiska, shuruudda ugu weyn waa in si buuxda loo joojiyo waa weerarrada ay Xisbullah ku hayso Israai'iil.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  13. Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaah oo sheegay in ay go'doon yihiin isaga iyo nabaddoono kale oo ku sugan guriga ra'iisul wasaarihii hore-Xasan Cali Kheyre

    Goor dambe oo Arbacadii ah waxaa degmooyinka qaar ee Muqdisho laga maqlay rasaas xooggan, taas oo ka dhalatay kadib markii ay isku dhacayn ilaalada qaar kamid ah mucaaradka iyo ciidamada dowladda, goobaha iska hor imaadka uu dhacay waxaa kamid ah agagaarka guriga Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, labadooduba waxa ay dowladda ku eedeeyeen in ay awood isticmaaleyso, halka warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda lagu sheegay in koox af duuban oo ay maleeshiyo ku sheegtay soo weerareyn xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag, "Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre", sida lagu yiri warsaxaafadeedka

    Saqdhexe waxaa sidoo kale warbaahinta la hadlay Ugaas Cabdirisaaq, Ugaas Cabdullaahi, Ugaas Xaashi oo sheegay in isaga iyo odayaal kale ay ku go'doonsan yihiin guriga ra'iisul wasaarihii hore Xasan Kheyre "Anaga oo ka shaqeeneyna nabad waxaa nagu bilowday dagaal, hadda saacadda waa 2:00 AM, waxaa is hor fadhiya ciidan, dagaalka weli wuu socdaa waxaa duqeyn lagu sameenayaa Odayaal dhaqan iyo guddi ka socday dowladda." ayu yiri Ugaaska, isaga oo intaas ku daray in aysan waddo ammaan ah oo ku baxaan, inkasta oo BBC-du arrintaas si madax bannaan u xaqiijin karin.

    illaa iyo hadda wax war dheeraad ah kama soo bixin dhanka dowladda marka laga yimaado warsaxaafadeedka lagu cambaareenayey dhacdadii galabkii arbcada.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  14. Kusoo dhawaada tebinteenna tooska ah oo halkaan innooga bilaabaneysa

    Waxaa idin kugu soo gubin doonnaaa xaaladda Muqdisho, Bariga dhexe iyo caalamka intiisa kaleba