Qiimaha Shidaalka oo ku dhow $100 foostadii ka dib markii Iran ay weerartay Kuwait iyo Bahrain
Qiimaha shidaalka ceeriin ee nooca Brent ayaa gaaray qiyaastii $97 halkii foosto suuqyada Aasiya subaxnimadii Khamiista.
Weerarkii Iran ay shalay ku qaaday Kuwait iyo Bahrain, iyo sidoo kale weerarkii milatari ee Maraykanku ku qaaday markab shidaal siday oo ku sii jeeday dekedaha Iran iyo goobo ku yaalla koonfurta jasiiradda Qeshm, ayaa sababay qalalaase cusub oo ka abuurmay suuqa shidaalka.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ku saabsan heshiis xabbad-joojin ah oo dhex maray Lubnaan iyo Israa’iil ayaa la filayaa inay ka hortagaan in qiimaha shidaalka Brent uu kor u dhaafo $100 halkii foosto dhammaadka toddobaadkan.
Sheekooyin dheeraad ah:



