You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Israa’iil oo la wareegtay Qalcadda Beaufort ee Lubnaan, iyadoo ballaarinaysa weerarkeeda dhulka

Dagaal saacado qaatay ayey ciidamada milatariga Israa’iil ku qabsadayn goobta istiraatiijiga ah ee Qalcadda Beaufort ee koonfurta Lubnaan, tallaabadaas oo uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku tilmaamay “isbeddel weyn leh” oo ku yimid dagaalka ay kula jiraan Xisbullaah

Tebin toos ah

  1. Dad loo shakisan yahay xanuunka Ebola oo gaaray dalka Brazil

    Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Brazil ayaa la socda xaaladda laba bukaan oo looga shakisan yahay inay qabaan cudurka Ebola, kuwaas oo ku sugan labada magaalo ee ugu waaweyn dalkaas, São Paulo iyo Rio de Janeiro.

    Maamulka gobolka São Paulo ayaa sheegay in nin 37 jir ah oo ka yimid Democratic Republic of the Congo uu “muujiyay calaamado ay ka mid yihiin qandho.”

    Gobolka Rio de Janeiro, waaxda caafimaadka ayaa sheegtay inay dhaqan gelisay habraacyada ilaalinta, kadib markii nin u dhashay Belgium oo ka yimid Uganda lagu arkay“calaamado fayras sida qufac, qarqaryo (dhaxan), iyo shuban.”

    Natiijooyinka baaritaanka labada bukaan ayaa la filayaa inay soo baxaan toddobaadka soo socda.

    Haddii cudurka laga xaqiijiyo, waxay noqon doonaan kiisaskii ugu horreeyay ee Ebola laga helo meel ka baxsan Afrika tan iyo markii cudur-faafku ka billowday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

  2. Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadley xaaladda sii xumaaneysa koonfurta Lubnaan

    Madaxweynaha Faransiiska,Emmanuel Macron ayaa Axaddii sheegay in “aysan jirin wax cudurdaar u noqon kara xaaladda kasoo dareysa iyo duqeymaha Israa'iil ka waddo koofurta Lubnaan".

    Hadalka Macron ayaa yimid kaddib markii ciidamada Israa’iil ay weerar cusub ku qaadeen koonfurta Lubnaan, halkaas oo khasaare ba'an ka dhashay.

    Kadib markii ciidamada Israa’iil ay la wareegeen Beaufort Castle, Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobe ayaa la iskugu iman doona kulan degdeg ah Isniinta, kaas oo uu codsaday Faransiiska.

    Macron ayaa sidoo kale qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay, kaddib wada-hadallo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka bariga dhex inay “lama huraan” tahay in si degdeg ah loo gaaro heshiis u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka

    Hogaamiyeyaasha uu Madaxweynaha Faransiiska la hadlay waxaa kamid ah Mohammed bin Salman, Dhaxal-sugaha Sacuudiga; Haitham bin Tariq, Suldaanka Cumaan; Mohammed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta; iyo dhiggiisa Masar Abdel Fattah el-Sisi.

    Sii akhri

  3. War deg deg ah, Qalibaaf: "Ma ansixin doonno heshiis kasta ilaa aan hubinno inaan helnay xuquuqdeena"

    Khudbad uu jeediyay ka hor bilowga sannadkiisa saddexaad ee baarlamaanka, afhayeenka baarlamaanka Iiraan Maxamed Baqer Qalibaf ayaa sheegay in farriinta Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee loo diray xubnaha baarlamaanka ay tahay “iftiin hagaya mustaqbalka iyo jihayn loogu talo galay baarlamaanka 12-aad ee Iiraan".

    Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in “aan wax kalsooni ah lagu qabin hadallada iyo ballanqaadyada 'cadowga,” isagoo intaa ku daray in “aan la ansixin doonin heshiis kasta oo lasoo baddhigo "ilaa aan hubinno inaan helnay xuquuqda shacabka Iraan.”

    Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Donald Trump uu adkeeyay shuruudihiisa ku jira qabyo-qoraalkii ugu dambeeyay ee heshiiska hordhaca ah ee lala galay Iraan, isla markaana soo-jeedintaas loo diray Tehraan.

    Si kastaba ha ahaatee, wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan, Cabbaas Caraghchi, ayaa faalladiisii ugu dambeysay ku sheegay in wada-hadallada iyo is-dhaafsiga farriimaha u dhexeeya Iraan iyo Mareykanka ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ay weli socdaan ilaa laga gaarayo natiijo cad, balse mala-awaallada laga faafinayo arrintan aysan wax muhiimad ah lahayn.

    Sii akhri

  4. War deg deg ah, Dowladda Iiraan oo beenisay in uu iscalisay Madaxweynaha dalkaas Masoud Pezeshkian

    Dhawr mas’uul oo ka tirsan dowladda Iiraan oo ay kamid tahay afhayeenka dowladda, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Masoud Pezeshkian uu iscasilay, iyagoo ku tilmaamtay “warar been abuur ah oo loogu talagalay iin khal-khal lagu abuuro”.

    Afhayeenka dowladda, Fatemeh Mohajerani, iyo sidoo kale Elias Hazrati iyo Ali Ahmadnia oo ka tirsan golaha warfaafinta ee dowladda Pezeshkian, ayaa qoraallo kala duwan ku sheegay in madaxweynuhu uu weli gudanayo shaqadiisa, isla markaana uu ku dadaalayo “xallinta dhibaatooyinka dalka.”

    Dhanka kale, wakaaladaha wararka ee rasmiga ah ee Iraan ayaa Axaddii daabacay muuqaallo dhowr ah oo muujinaya qaar kamid ah khudbado dhowr ah oo uu madaxweynaha iraan Mr. Pezeshkian ka jeedinayey munaasabado kala duwan oo gudaha dalka ka dhacay,waxaana kamid ahaa shir jiraad uu weriyeyaasha kula hadlayey, kaas oo ku saabsanaa ciyaaraha koobka adduunka.

    Sii akhri

  5. Itoobiya doorasho ayey qabaneysaa, balse qofkasta ma codeenayo

    Dalka Itoobiya waxaa saacado kooban ka dhiman yihiin doorashada guud ee qaranka, taas oo noqoneysa tii todobaad, waxaana la dooran doonaa hogaamiyihii maamuli lahaa dalkaas 5ta sano ee soo socata.

    Si kastaba ha ahaatee, iska horimaadyo ayaa weli ka socda oo u dhexeeya dowladda iyo kooxo hubeysan meelo badan ayaa ka hor istaagay dad badan inay codeeyaan.

    Gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray, kaas oo isku dayaya inuu ka soo kabttp dagaallo ba’an oo soo afjaray sannadkii 2022, ayaa gabi ahaanba kasoo qeyb-galeyn.

    Doorashooyinka sanadkan waa kuwii toddobaad tan iyo markii uu dhacay nidaamkii milatariga.

    Waa doorashadii toddobaad tan iyo markii la riday nidaamkii militariga sanadkii 1991 - kacdoon sababay in Eritrea ay go'do laba sano ka dib - waxayna dooarshadu dhacaysaa iyadoo xiriirka Itoobiya iyo deriskeeda waqooyi uu mar kale khatar ku jiro.

  6. Muhiimad noocee ah ayey leedahay qalcadda Beaufort ee dalka Lubnaan?

    Qalcaddu waa mid ka mid ah qalcadaha taariikhiga ah ee ugu caansan koonfurta Lubnaan waana midda ugu dhow ee lala xiriiriyo taariikhda khilaafaadka iyo dagaallada ee gobolku soo maray qarniyo badan. Waxay ku taal buur dhagax ah oo dheer oo ku taal magaalada Arnoun ee Gobolka Nabatieh, iyadoo hoos u fiirinaysa wabiga Litani iyo bannaanka koonfurta Lubnaan, taasoo siisay muhiimad istiraatiiji ah iyo mid milatari taasoo ka dhigtay bartilmaameed joogto ah oo loogu talagalay awoodaha is haya laga bilaabo qarniyadii dhexe ilaa xilligii casriga ahaa.

    Qalacadda ayaa ayaa maalmihii u dambeeyay lagu arkayay isbedelo ciidan iyo amni taasoo dib ugu soo celisay goobta taariikhiga ah dhacdooyinka koonfurta Lubnaan, iyadoo ay sii kordhayaan dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Hezbollah.

    Dowladda hoose ee Arnoun ayaa cambaareysay duqeymaha Israa'iil ay ka geysatay qalcadda maalmihii la soo dhaafay, iyadoo la tixgelinayo in bartilmaameedkeedu uu yahay weerar lagu qaaday goob taariikhi ah oo qadiimi ah iyo mid dhaxal ah oo kusoo jirtay "ilaalin la xoojiyay" tan iyo 2024 iyadoo la raacayo Protocol II ee Heshiiska Hague ee Ilaalinta Hantida Dhaqanka haddii ay dhacaan isku dhac hubaysan.