Maxaa ka jira wararka sheegaya inuu is-casilay madaxwaynaha Iiraan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhowr mas’uul oo ka tirsan dowladda Iran, oo ay ku jiraan afhayeenno dowladda, ayaa si adag u beeniyey wararka la isla dhex marayo ee sheegaya in madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, uu iscasilay, iyagoo ku tilmaamay “warar niyad-jab leh oo aan sal iyo raad lahayn.”
Afhayeenka dowladda, Fatemeh Mohajerani, iyo xubno ka tirsan golaha warfaafinta ee dowladda madaxweynaha, oo ay ka mid yihiin Ilyas Hazrati iyo Ali Ahmadnia, ayaa bayaano iyo qoraallo ay ku daabaceen baraha bulshada ku sheegay in madaxweynuhu uu weli si caadi ah u wado hawlihiisa rasmi ah isla markaana uu ku mashquulsan yahay xallinta dhibaatooyinka dalka.
Dhanka kale, wakaaladaha wararka dowladda Iran ayaa Axaddii baahiyey muuqaallo dhowr ah oo muujinaya Madaxweyne Masoud Pezeshkian oo ka qaybgalaya munaasabado gudaha dalka ah kana jeedinaya khudbado.
Warbixinnadaas ayaa sidoo kale muujiyey isagoo la hadlayay suxufiyiin, kana hadlayay arrimo kala duwan, oo ay ku jirto 2026 FIFA World Cup.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in madaxweynuhu uu shaqadiisa u gudanayo si caadi ah, isla markaana wararka sheegaya inuu iscasilay ay yihiin kuwo aan wax sal ah lahayn.
Waxaa xusid mudan in Iran international ay ahayd warbaahintii ugu horreysay ee soo werisa, iyada oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in madaxweynaha Iran uu iscasilay sababo la xiriira faragelin lagu sheegay in ay Ilaalada Kacaanka Iiraan ku hayso arrimaha dowladda.
Kadibna warkan waxaa daabacay warbaahinno kala duwan oo caalami ah, oo ay ku jiraan qaar Maraykan ah, waxaana ka dhashay dood ballaaran.







