Itoobiya oo galeysa doorasho uusan qof walba codeyn karin

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Doorashada guud ee Itoobiya aytaa dhaceysa Isniinta iyadoo khilaafaad ay ka jiraan qaybo ka mid ah dalka, taasoo la macno ah in dad badan aysan codayn karin.

Xaqiiqdii, gobolka waqooyi ee Tigray oo dhan, oo isku dayayay inuu ka soo kabto dagaal sokeeye oo ba'an oo dhammaaday 2022, ayaa gebi ahaanba laga saaray codbixinta.

Waa doorashadii toddobaad tan iyo markii la riday nidaamkii militariga sanadkii 1991 - kacdoon sababay in Eritrea ay go'do laba sano ka dib - waxayna dooarshadu dhacaysaa iyadoo xiriirka Itoobiya iyo deriskeeda waqooyi uu mar kale khatar ku jiro.

Warbaahinta si adag ayaa loo nidaamiyaa, ururo badan, oo ay ku jirto BBC, lama siinin aqoonsi saxaafadeed.

Yey u badantahay inuu doorashada ku guuleysto?

Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed - inkastoo aan si toos ah loo dooran. Codbixiyayaashu waxay doortaan wakiillo ka tirsan baarlamaanka oo ka kooban 547 xubnood, xisbiga hela ugu yaraan 274 kursi wuxuu xaq u leeyahay inuu dhiso dowladda xigta ee hoggaamin doonta dalka shanta sano ee soo socota.

Abiy, oo 49 jir ah, ayaa xukunka qabtay 2018 kii ka dib dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda oo looga soo horjeeday Jabhadda Dimuqraadiga Kacaanka Dadka Itoobiya (EPRDF), oo ah isbahaysi ay ku badanaayeen siyaasiyiin ka soo jeeda Tigreega - oo xukunka hayay tan iyo 1991.

Wuxuu sii waday inuu kala diro EPRDF, oo uu qayb ka ahaa, oo uu ku beddelo Xisbigiisa Barwaaqa oo ah qaab maamul oo dhexe oo aan federaal ahayn.

Prof Merera Gurdina, oo ah siyaasi mucaarad ah oo khibrad leh isla markaana xubin ka ah xisbiga Oromo Federalist Congress, ayaa ku andacoonaya in doorashada soo socota ay tahay midda ugu tartan yar taariikhda dhow ee Itoobiya.

"Waxaan kaga qayb qaadanaynaa astaan ahaan sababtoo ah sharcigu wuxuu dhigayaa inaadan qaadaci karin doorashooyinka si isdaba joog ah. Waxaan ka qayb qaadanaynaa, inta badan si aan uga fogaano in la joojiyo diiwaangelinta," ayuu u sheegay BBC.

Markii ugu horreysay ee Abiy uu xafiiska qabtay, waxaa lagu ammaanay inuu yahay hormuudka dimuqraadiyadda iyo xorriyadda saxaafadda ka dib markii uu xabsiga ka sii daayay boqolaal siyaasiyiin iyo saxafiyiin ah.

Waxa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel 2019, taasoo inta badan lagu soo afjaray ismari waagii milatari ee 20-ka sano ahaa ee uu la galay dalka deriska la ah ee Eritrea.

Toddobo sano ka dib arimuhu ma noqon karaan kuwo ka duwan sidii hore.

Sidee ayuu Abiy u tirtiray buuggii uu qoray ?

Dadka dhaliila ayaa ku eedeeyay dowladdiisa inay caburinayso mucaaradka, kuna qasabtay dadka ka soo horjeeda in lamasaafuriyo oo ayna xiraan kuwa siyaasadda kula loolamaya.

Dowladda Aby waxay dagaal la gashay sanadkii 2020 hoggaamiyeyaasha Tigray, dagaal laba sano socday oo uu dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika ku qiyaasay in lagu dilay ilaa 600,000 oo qof, taasoo gobolka u horseeday macaluul.

Sida laga soo xigtay ururka xorriyadda saxaafadda ee Reporters Without Borders ee sanadkii 2025, Itoobiya waxay diiwaanak ka gashay numebrka 148aad, 180 waddan.

Warbixinteedii Sebtembar 2025, Human Rights Watch waxay cambaareysay dowladda Itoobiya oo si aan kala sooc lahayn u xirtay saxafiyiinta iyo xirfadlayaasha warbaahinta waxayna ku baaqday in la joojiyo dhibaataynta saxafiyiinta madaxa-bannaan.

Ka dib markii lagala noqday aqoonsiga saddex weriye oo u shaqeynayay wakaaladda wararka ee Reuters bishii Febraayo, Guddiga Ilaalinta Saxafiyiinta ayaa sheegay in ay jirto "qaab dhib badan oo sharcidaro iyo caburin ah oo ka dhan ah saxaafadda caalamiga ah iyo tan madaxa-bannaan ee Itoobiya".

Maxay taageerayaasha ra'iisul wasaaraha ka yiraahdeen?

Waxay ku doodayaan in Abiy uu dalka u beddelay mid ka wanaagsan sdii hore.

Caasimadda, Addis Ababa, waxay astaan u tahay dib-u-habayntan maadaama ay ku socoto isbeddel degdeg ah oo magaalooyinka ah, oo loo yaqaan mashaariicda "Horumarinta Waddooyinka ee ra'iisul wasaaraha.

In kasta oo dadaalladan lagu horumarinayo gaadiidka iyo goobaha dadweynaha ay sidoo kale la kulmeen dhaleecayn ku aaddan burburinta ballaaran oo barakicisay tobanaan kun oo qof oo degganaa.

Dib-u-habaynta dhaqaale ee Abiy waxay taageero ka heshay Hay'adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka, iyadoo la raacayo shuruudaha ah in waddanku uu xor ka dhigo suuqa sarrifka lacagaha qalaad isla markaana uu maareeyo deymaha. Tani waxay ahayd $36.5 bilyan (£27.1 bilyan) sannadkii 2024, sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka.

Iyadoo ay ku nool yihiin 135.9 milyan, Itoobiya waa dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika - marka laga reebo Nayjeeriya - waana mid ka mid ah dhaqaalaha qaaradda ee si xawli ah u koraya, sida laga soo xigtay qiyaasaha Bangiga Adduunka.

Waa maxay walaacyada amniga?

Marka laga soo tago xiisadaha sii socda ee ka jira Tigreega, laba ka mid ah gobollada ugu dadka badan dalka, Amxaarada iyo Oromia, ayaa la kulmayey kacdoonno rabshado wata sannadihii u dambeeyay.

Maleeshiyada Fano ee Amxaarada iyo Ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) ee Oromia ayaa sii wada inay la dagaallamaan ciidamada dowladda, taasoo keentay dhimasho kumanaan rayid ah iyo inay boqolaal kun oo qof ka saaraan guryahooda.

Labadooduba waxay rabaan madax-bannaani qowmiyadeed oo ballaaran waxayna dareemayaan in Abiy uu khiyaameeyay, inkastoo ay jiraan sababo kala duwan.

Maleeshiyaadka Amxaarada, oo ka soo horjeeday dowladda dagaalkii Tigray, ayaa diiday amar lagu kala dirayo 2023kii, iyagoo sheegay in tallaabadani ay gobolkooda u horseedi doonto mid u nugul weerar.

OLA, oo baarlamaanku u aqoonsaday urur argagixiso, ayaa doonaya in Oromada ay madax-bannaani weyn helaan,taas oo ah qowmiyadda ugu weyn dalka oo muddo dheer dareemaysay in la takooray.

"Ra'iisul Wasaare Abiy wuxuu ku kalsoon yahay in dib loo dooran doono. Tani waa inaysan qarin xaqiiqda ah in ay jiraan arrimo amni darro oo kala duwan oo gudaha ah, kacdoonno iyo khatar dagaal cusub oo ka dhaca waqooyiga. Labada xaaladoodba way wada jiri karaan isku mar," ayuu u sheegay BBC.

Maxaa ka socda Gobolka Tigray?

Gobolka Tigreega oo hoy u ah dad lagu qiyaasay lix milyan oo qof, waxaa maamulayay maamul ku meel gaar ah ka dib heshiiskii nabadeed ee bishii Nofembar 2022 lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria, kaas oo dhexmaray dowladda iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF).

Laakiin horraantii bishan, TPLF - oo ka careysan dib-u-magacaabista Abiy ee hoggaamiyaha maamulka iyada oo aan la tashi la samayn - ayaa si xoog leh u gilgishay waxayna u doorteen Debretsion Gebremichael inuu xilka la wareego.

Wuxuu hoggaaminayay Tigreega intii uu socday dagaalka markii dawladdu ay TPLF u aqoonsatay urur argagixiso.

Xiisadda u dhaxaysa TPLF iyo Addis Ababa ayaa si joogto ah uga sii daraysay sannadkii la soo dhaafay.

Khilaaf weyn ayaa ka dhashay in TPLF ay u baahan tahay inay iska diiwaangeliso xisbi cusub iyo in kale. Guddiga doorashada ayaa sheegay inay sidaas sameyaan, TPLF-na way isku khilaafeen - haddana si wax ku ool ah ayaa loo mamnuucay, aqoonsigeeda sharciga ahna waa laga noqday.

Waa maxay filashooyinka codbixiyayaashu?

Guddiga doorashada ayaa sheegay in in ka badan 50.5 milyan oo qof ay iska diiwaan geliyeen inay codeeyaan, inkastoo ay jiraan khilaafaad iyo xiisado siyaasadeed, haddana dad badan oo dhalinyaro ah iyo kuwa markii ugu horreysay codeeynaya ayaa sheegaya inay rajeynayaan in doorashadu ay xasillooni keeni doonto.

Xisbiga Barwaaqa ee Abiy ayaa si aqlabiyad ah ugu guuleystay doorashadii 2021.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Temesgen Tiruneh, oo ka soo jeeda gobolka Amxaarada halkaas oo horey looga joojiyay codbixinta 30 ka mid ah 137 degmo doorasho, ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay bishii Maarso in xisbiga talada haya "uusan rabin inuu wax walba ku guuleysto" markan.

"Waxaan haynaa wasiirro ka tirsan xisbiyada mucaaradka. Isbeddelkani wuu sii socon doonaa. Ma rabno inaan ku guuleysanno 100% codadka. Waxaan rabnaa inaan aragno tartamayaashayada oo sheeganaya guul sababtoo ah waxaan rabnaa inaan aragno codad kala duwan," ayuu yiri.