You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo toban sano kaddib Shiinaha ka degay

Madaxweyne Donald Trump ayaa gaadhay magaalada Beijing, booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Maraykan ah uu ku tago dalkaas muddo sagaal sano ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. Starmer oo golihiisa wasiirrada shir muhiim ah la yeelanaya

    Ra’iisul wasaare Starmer wuxuu ku sugan yahay Baarlamaanka, halkaas oo uu kula kulmayo wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan xisbiga Labour.

    Wasiirrada golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ka dhex shaqeynaya hoolalka Baarlamaanka, iyagoo isku dayaya inay ku qanciyaan xildhibaanada kale in doorasho hoggaamineed ay “curyaamin doonto awoodda dowladda ee wax-qabadka muddooyinka soo aaddan”, isla markaana ay “keeni doonto fowdo.”

  2. Epstein ayaa igu xadgudbi jiray isaga oo xabsi guri ah, mid kamid ah dadkii ka badbaaday ayaa sheegtay

    Qof ka badbaaday xadgudubka Jeffrey Epstein ayaa ka waramay sida dembiilaha galmada uu u faraxumeeyay iyada xilli uu ku jiray xabsi guri isaga oo ka dalbaday in ay u keento ilmo yar oo galmo la sameeyo.

    Roza, oo laga shaqaaleysiiyay Uzbekistan iyada oo da'yar ah oo uu keenay nin saaxiib la ahaa Epstein iyo Jean-Luc Brunel oo ka shaqeeya model-ka, ayaa si fagaare ah markii ugu horreysay uga hadashay tiro dhibanayaal ah xilli ay socotay dhegeysi ay soo qabanqaabiyeen Aqalka Dimuqraadiyiinta .

    Waxay u sheegtay fadhiga in Brunel uu bishii Luulyo 2009 baray Epstein , loona sheegay in ay Epstein u qabanayso shaqo "si ay iiga caawiso dhibaatooyinkayga dhaqaale", ka dibna wuxuu u geystay kufsi muddo saddex sano ah.

    Xildhibaanka dimuqraadiga ah Robert Garcia ayaa sheegay in dhageysiga aan rasmiga ahayn lagu qabtay West Palm Beach, Florida, sababtoo ah waa meeshii "dambiyada Epstein markii ugu horeysay ay ka soo shaac baxeen".

    Dhegeysiga, oo Garcia uu tilmaamay in sidoo kale lagu qabtay meel u dhow guriga Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Mar-a-Lago, ayaa waxaa qabtay Guddiga Kormeerka Dimuqraadiyiinta ee Aqalka Wakiilada Mareykanka iyo xubno ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

  3. Fayras cusub oo kumannaan qof loo karantiilay dalka Faransiiska

    Dowladda France ayaa 1,700 oo qof ku karantiishay markab dalxiis oo ku xidhan magaalada Bordeaux ‘Bookhduu’.

    Kadib markii rakaab ka mid ahaa uu u dhintay fayraska loo maleynayo inuu yahay norovirus.

    Qiyaastii 50 qof oo kale ayaa muujinaya calaamadaha cudurkaas.

  4. Starmer oo hadlay markii u horraysay xilli mustaqbalkiisa siyaasadeed maalmahan buuq ka taagnaa

    Ra’iisul Wasaaraha Keir Starmer ayaa sheegay in dowladdiisu ay “fulin doonto dammaanaad qaad dhaqaale”, isaga oo ammaanay Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves, kuna sheegay in tallaabooyinkeedu ay UK ka caawinayaan xaalado adag oo lagu jiro oo uu keenay khilaafka Iran.

    Starmer wuxuu xusay guulaha dowladdiisa ee dhimista biilasha tamarta, kordhinta mushaharka nolosha, iyo ka saarista xadka kaalmada, isagoo sheegay in dowladdu “ay sii wadi doonto waxqabad dheeraad ah” gaar ahaan yareynta sugitaanka NHS-ta iyo wax ka qabashada socdaalka.

    Arrimaha siyaasadda dibadda, wuxuu mar kale xaqiijiyay sida UK uga go’an tahay xoojinta NATO, wuxuuna sheegay inuu “diyaar u yahay inuu hormuud ka noqdo” taageerada Ukraine iyo “amniga maraakiibta” ee marin-biyoodka Strait of Hormuz.

  5. Israel oo weli duqaymo ka geysanaysa Lubnaan

    Wasaaradda caafimaadka ee Lebanon ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay duqeymaha cusub ee Israa’iil ka fulisay koonfurta dalka.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarrada lagu beegsaday gaadiid ku socday waddo xeebeed, inkasta oo uu jiro xabbad-joojin ka dhaqan gashay Lubnaan.

    Ciidamada Israel ayaa sheegay inay beegsanayeen bartilmaameedyo ka tirsan kooxda Hezbollah, ayna horay uga digeen in dadku ka guuraan dhowr tuulo.

    Saraakiisha Lubnaan waxay sheegeen in in ka badan 400 qof la dilay tan iyo markii xabbad-joojinta la bilaabay bishii hore.

  6. Tobannaan eey oo la badbaadiyey kaddib baadhis BBC-du samaysay

    Booliska iyo ururrada xuquuqda xayawaanka ee Uganda ayaa badbaadiyay daraasiin eeyo ah kadib baadhitaan uu sameeyay BBC oo muujiyay xarumo been abuur ah oo lagu khiyaanayn jiray deeq bixiyeyaasha caalamka.

    Hal qof ayaa la xidhay, halka laba kale ay baxsadeen, waxaana eedeysanaha Owen Godfrey Membe lagu hayaa xabsi isagoo wajahaya eedeyn tacaddiga xayawaanka ah.

    Eeyaha la badbaadiyay ayaa hadda gacanta ugu jira ururro daryeel xayawaan, iyadoo la dhisayo hoy degdeg ah.

    Baadhitaankan ayaa sidoo kale la xiriira khiyaano lagu lunsaday lacag deeq ah oo ka timid UK.

  7. Nigel Farage: Hoggaamiyihii dhawaan xisbigiisu doorashadii deegaanka UK ku guulaystay oo baadhitaan wejahaya

    Hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee Reform UK, Nigel Farage, ayaa ay baadhitaan ku wadaan guddiga ilaalinta anshaxa baarlamaanka Britain kadib hadiyad lacageed oo dhan shan milyan oo gini oo uu helay

    Baadhitaankan ayaa eegaya inuu jebiyay xeerarka isagoo aan si rasmi ah u shaacin lacagtaas oo uu bixiyay maalqabeen British ah oo maalgashi ku sameeya lacagaha dijitaalka ah kana shaqeeya Thailand.

    Farage ayaa sheegay in shanta milyan ee gini ay ahayd hadiyad shaqsiyeed oo aan wax shuruud ah ku xidhnayn, isla markaana aanu wax xeer ah jebin. Wuxuu hore u sheegay in lacagta loo isticmaalayay kharashaadka ammaankiisa.

  8. Boqor Charles oo maanta guddoomiyey furitaankii Baarlamaanka UK

    Boqor Charles III ayaa guddoomiyay furitaanka rasmiga ah ee baarlamaanka Britain iyada oo su’aalo ay weli ka taagan yihiin mustaqbalka ra’iisul wasaare Keir Starmer.

    Waxaa sii xoogeysanaya wararka sheegaya in wasiirka caafimaadka Wes Streeting uu tafaxaydan in uu hoggaanka xisbiga iyo kursiga Raysalwasaaraha uu kula tartamo Starmer.

  9. Liiska ganacsatada Maraykanka ee Trump u raacay safarkiisa Shiinaha

    Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u raacay magaalada Beijing, waxaana ka mid ahaa madaxda shirkadaha Nvidia, Apple, Tesla iyo Boeing.

    Si kastaba, guud ahaan ganacsiga u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha ayaa hoos u dhacayay sanadihii dambe sababo la xidhiidha dagaalka ganacsi ee sii xoogeysanaya iyo canshuuraha iyo xayiraadaha ganacsi ee ka dhashay.

    Sanadkii hore, ganacsiga labada dhinac wuxuu gaaray $414.7 bilyan (£307.3 bilyan), taasoo aad uga hooseysa heerkii ugu sarreeyay ee uu gaaray sanadkii 2022 oo ahaa $690.4 bilyan (£511.6 bilyan).

    Mid ka mid ah dhibaatooyinka waaweyn ee Trump wajahayo waa isu dheellitir la’aanta ganacsiga, iyadoo Maraykanku sanadkii hore ka iibsaday Shiinaha badeecooyin ka badan $200 bilyan wixii uu isagu ka iibiyay.

    Hal dariiqo oo arrintaas lagu xallin karo ayaa ah in badeecooyin badan oo Maraykan ah loo iib geeyo Shiinaha, taas oo gudaha Maraykanka shaqooyin iyo fursado ka abuuri karto.

    Kuwa ugu badan ee ka faa’iidi kara waxaa ka mid noqon kara beeraleyda Maraykanka ee soybeans-ka iyo hilibka lo’da, iyo sidoo kale shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing.

    Maamulaha Boeing, Kelly Ortberg, ayaa dhawaan u sheegay maalgashadayaasha inuu “aad ugu kalsoon yahay” heshiis horseedi kara in diyaarado tiro badan laga dalbado kadib shirkan.

    Hase yeeshee, markii Shiinaha iyo Maraykanku heshiis ganacsi gaadheen muddadii ugu horreysay ee Trump xukunka hayay, Beijing ma aysan iibsan dhammaan wixii ay ballanqaadday. Sidaas darteed, weli lama oga in taariikhdu markale is soo celin doonto iyo in kale.

  10. BBC ayaa daaha ka qaaday tahriibiye tiir-dhexaad u ah shabakad ka dambeysa inta badan dadka doomaha yaryar ku soo gala Ingiriiska.

    Baaritaan ay BBC ayaa daaha ka qaaday tahriibiye caan ah oo la rumeysan yahay in ay shabakaddiisu mas'uul ka tahay inta badan safarrada sharci darrada ah ee doomaha yaryar loogu gudbo Kanaalka isku xira Ingiriiska iyo faransiiska sannadihii u dambeeyay.

    Ninkan oo ka soo jeeda Kurdiyiinta Ciraa oo 28 jir ah ayaa muddo dhowr sano ah ka baxsanayay xarig, isaga oo isticmaalaya magac been abuur ah oo ah "Kardo Ranya". Wuxuuna si adag u qarinayay magaciisa dhabta ah, taas oo niyad jab ku noqotay hay'adaha sharci fulinta ee isku dayayey in ay soo saaraan amar caalami ah oo lagu soo xiro.

    Macluumaad la'aanta ku saabsan magaca dhabta ah ee Kardo Ranya ayaa sidoo kale adkaysey in Booliisyada Yurub ay la socdaan dhaqdhaqaaqiisa ama ay dabagalaan xogaha ka baxsan soohdimahooda.

    Si kastaba ha ahaatee, aniga iyo saaxiibkay Rob Lawrie oo adeegsanayna xiriirro ka dhex jiray dunida tahriibka, waxaan ku guuleysannay in aan raadraac ka bilowno xeryaha muhaajiriinta ee waqooyiga Faransiiska illaa Kurdistaan Ciraaq, halkaas oo aan ka helnay aqoonsigiisa dhabta ah iyo faahfaahin ku saabsan isaga, ugu dambayna aan fool ka fool ula kulannay. Sheekadan dabagalka ah waxaa lagu soo bandhigay Podcast cusub oo BBC Radio 4 ah oo la magac baxay Asaraar: Qabashadii Boqorka.Faahfaahinta halkan guji

  11. War deg deg ah, Yaa ka mid ah madaxda la socota Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo wafdigiisii ayaa hadda kolonyo baabuur ah kaga ambabaxay garoonka diyaaradaha.

    Wefdiga Trump la socday ee marayey roogga cas kuna wehlinayey safarkan waxaa ka mid ahaa maalqabeenka tiknoolajiyadda Elon Musk iyo wiilka Trump, Eric Trump.

  12. War deg deg ah, Trump oo ka degay Beijing

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gaadhay magaalada Beijing halkaas oo uu laba maalmood kula kulmi doono madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

    Trump waxaa garoonka lagu soo dhaweeyay koox baambooy iyo miyuusig tumayey iyo dad lulayay calammo.

    Kadib soo dhaweynta, Trump iyo wafdigiisa ayaa kolonyo baabuur ah kaga ambabaxay garoonka diyaaradaha.

  13. Ghana oo muwaadiniinteeda kala baxaysa Koonfur Afrika kaddib beegsi ku socda ajaaniibta

    Dowladda Ghana ayaa sheegtay inay daadgureyn doonto 300 oo muwaadiniinteeda ah oo ku sugan South Africa kadib mudaharaadyo iyo cabsi laga qabo weerarro ajaaniibta lagu bartilmaameedsanayo.

    Wasiirka arrimaha dibadda Samuel Okudzeto Ablakwa ayaa sheegay in dadkaasi ay iska diiwaangeliyeen safaaradda Ghana ee Pretoria si loo badbaadiyo. Dowladda Ghana waxay muwaadiniinteeda uga digtay inay ka fogaadaan goobaha dadweynaha, gaar ahaan magaalada Durban halkaas oo mudaharaadyo laga qorsheeyay.

    Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in falalka lagu beegsanayo ajaaniibta aysan matalin siyaasadda dowladda, balse ay yihiin falal gooni-gooni ah oo dembiyeed.

    Kumannaan qof oo Koonfur Afrikaan ah ayaa mudaharaadyo ka dhigay socdaalka sharci darrada ah, iyagoo dalbanaya in la masaafuriyo ajaaniibta aan sharciyeysneyn, kuna eedeeyay inay saameyn ku yeesheen shaqooyinka, guryaha iyo dambiyada.

  14. Maxay maanta ka wada hadlayaan Trump iyo Madaxweynaha Shiinuhu?

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maanta ka degaya magaalada Beijing, taas oo noqonaysa booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Maraykan ah ku tago Shiinaha muddo ku dhow 10 sano. Wuxuu halkaas kula kulmi doonaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

    Diyaaradda Air Force One ayaa Beijin muddo ka bacdi ka degaysa, iyada oo booqashadu socon doonto laba maalmood. Safarkan markii hore waxaa loo qorsheeyay bishii Maarso, balse dib ayaa loo dhigay kadib weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran.

    Ajandayaasha ugu waaweyn ee wada-hadallada waxaa ka mid ah:

    • dagaalka Iran iyo doorka Shiinaha ee dhexdhexaadinta,
    • ganacsiga,
    • tiknoolajiyadda,
    • iyo arrinta Taiwan.
  15. Cilmi-baaris war naxdin leh u wadda doobabka iyo garoobbada

    Dadka guursaday waxay u badan tahay inysan u dhiman wadno xanuun marka la barbar dhigo kuwa doobabka ah, sida ku cad cilmi-baaris cusub. Cilmi-baarayaashu waxay arruuriyeen xogta 34 daraasadood oo hore oo ay ku lug lahaayeen in ka badan laba milyan oo qof.

    Waxay ogaadeen iyagoo barbardhigaya dadka guursaday in dadka kala tagay, kuwa laga dhintay ama aan waligood guursanin ay 42 boqolkiiba u dhow yihiin inay qaadaan cudurrada wadnaha,iyadoo sidoo kale 16 boqolkiiba ay aad ugu dhowdahay inay qaadaan cudurrada halbowlaha wadnaha ku dhaca.

    Dadka aan guursan ayaa sidoo kale boqolkiiba 43 aad ugu dhow inay u dhintaan cudurrada wadnaha halka 55 boqolkiiba ay aad ugu dhowdahay inay u dhintaan faalugga, sida lagu sheegay cilmi-baarista ay sameeysay majaladda Heart.

    Inkastoo cilmi-baarista aan lagu faah-faahin sida guurku u caawin karo hagaajinta caafimaadka wadnaha, haddana waxaa jira sababo badan oo guurka laga yaabo inuu yeesho saameyn ilaalin ah oo ay ku jiraan xasillooni dhaqaale oo dheeraad ah iyo taageero bulsho, ayuu yiri qoraaga sare ee daraasadda Dr. Mamas Mamas oo ka tirsan Jaamacadda Keele ee UK.

    "Tusaale ahaan waxaa la ogsoonyahay in bukaannadu ay qaataan dawoooyinka muhiimka ah sida kuwa wadne xanuunka qaba ama faalugga oo ay cadaadis isku saaraan qaadashada dawooyinka haddii ay lamaane yihiin ," ayuu yiri Dr Mamas.

  16. Fannaanad Israa'iil u dhalatay oo ka qayb galaysay tartan oo dad taageersan Falastiin kala kulantay tallaabo aaney fileyn

    Tartanka heesaha ee Eurovision ee 2026-ka oo ka socda magaalada Vienna, dalka Austria, ayaa ku billowday qaadacaaddii ugu weynayd ee taariikhdiisa 70-ka sano ah.

    Shan dal, oo ay ku jirto Ireland oo toddobo jeer ku guuleysatay tartanka, kama qeybgalayaan sanadkan.

    Noam Bettan, oo 28 jir ah kuna mataleysay Israel, ayaa u soo baxay wareegga kama dambaysta ah kadib wareeggii koowaad ee la qabtay May 12.

    Fannaanadda Israa’iiliyada ah, oo tartanka ku gashay heesteeda pop-ka ah ee jacaylka ku saabsan ee cinwaankeedu yahay Michelle, ayaa lagu qeyliyay oo lagu buuqay koox mudaaharaadayaal ah intii lagu jiray wareegga nus-dhamaadka.

    Hoolka waxaa laga maqlayay halku-dhigyo ay ka mid yihiin “Jooji xasuuqa.”

    Waxaa sidoo kale jiray taageerayaal u sacbinayay si ay u muujiyaan garab istaagooda.

    Ka hor wareegga nus-dhamaadka, fannaanaddu waxay wargeyska Jerusalem Post ee Israel u sheegtay inay go’aansatay inay diiradda saarto muusigeeda isla markaana ay dhaleeceynta u aragto “sawaxan gadaasha ka yeeraya.”

  17. Jawaabta Trump ee doorka Pakistan ee dhexdhexadinta

    Suxufiyiinta ayaa Madaxweyne Trump weydiiyay su'aalo dhowr ah ka hor safar muhiim ah oo uu ugu baxay Shiinaha . Mid kamid ah su'aalaha la weydiiyay ayaa ku saabsaned doorka Pakistan ee dhexdhexaadinta.

    Wariye ayaa Madaxweyne Trump weydiiyay inuu ka fikirayo dib u eegis lagu sameeyo doorka Pakistan ee dhexdhexaadinta.

    "Maya, waxaan u maleynayaa inay shaqo aad u wanaagsan qabanayaan. Waxaan aaminsanahay in Pakistan ay qabatay shaqo weyn. LabadA nin ee taliyaha ciidamada Marshal iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan waxay qabteen shaqo aad u wanaagsan."

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu wada-hadal dheer la yeelan doono Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping inta lagu jiro booqashadiisa Shiinaha, gaar ahaan arrinta Iran. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in Maraykanku aanu u baahnayn caawinta Shiinaha ee ku saabsan arrinta Iran.

    Hadalkan muhiimka ah ee Trump ayaa yimid kadib dhageysi muhiim ah oo ka dhacay Kongareeska Maraykanka Talaadadii 12-ka May.

    Sidoo kale akhri

  18. War deg deg ah, Iiraan oo ogaatay qorshe qarsoodi ah oo Mareykanku damacsanyahay

    Xildhibaan lagu Iiraan Kamran Ghazanfari oo ka tirsan baarlamaanka Iiraan ayaa, isaga oo ka hadlayay sii socoshada Mareykanka ee qalabka iyo ciidamada ugu so daldalayo Bariga Dhexe, sheegay in “Mareykanka iyo Israa’iil ay isu diyaarinayaan howlgal ballaaran” oo ka dhan ah Iiraan.

    Ghazanfari ayaa u sheegay Khabar Online in Mareykanka iyo Israa’iil “laga yaabo inay qorsheynayaan inay la wareegaan qaar ka mid ah jasiiradaha aan ku leenahay koonfurta.”

    Isaga oo tixraacaya dalabaadka Mareykanka ee ah in Iiraan joojiso kobcinta yuraaniyamka, oo ay dib uga baxdo kaydkeeda yuraaniyamka la kobciyay, isla markaana ay joojiso taageerada kooxaha loo yaqaan “dhidibka iska caabbinta,” ayuu waxaa uu yiri: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah khasab ma aha inay u hoggaansanto dalabaadkan.”

    Sida uu sheegay xildhibaanku, “Waxaan ku jirnaa xaalad dagaal, waxaana hadda la dagaallamaynaa cadowga. Toddobaadkii la soo dhaafay oo keliya, waxay naga fuliyeen laba howlgal waxayna maraakiibtooda ku weerareen qaar ka mid ah xarumaheenna.”

    Sidoo kale akhri

  19. Cuntooyinka madaxweyne Museveni ka caawiyay inuu iska rido 30 kiilo

    Cunto ka kooban xidiidka loo yaqaanno kasaafada, bataatiga iyo khudaarta dabiiciga ah ayaa ka caawiyay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni , inuu iska rido miisaan dhan 30 kiilo, sida uu isaga qudhiisa u sheegay BBC-da.

    "Aniga mar walba caafimaadkeygu wuu fiican yahay, laakiin dhakhaatiirka ayaa soo saaray khaladaadka ka dibna waxaan go'aansaday inaay culeyska iska dhimo", ayuu yiri Mr Museveni.

    Hoggaamiyahan 75 jirka ah ayaan markii hore la soconin culeyskiisa oo gaaray ilaa 106 kiilo.

    Wuxuu beeniyay qoraallo faallo ahaan looga bixiyay baraha bulshada, oo lagu sheegayay "inuu daal ka muuqdo", isagoo sheegay inuu xoogaa iscaateeyay kaliya.

    Bartiisa shakhsi ahaaneed ayuu bishii lasoo dhaafay ku yiri: "Waxaan isku fasaxay cayil jirka oo dhan iga galay, sababtoo ah dhakhaatiirku iima sharrixin inuu dhibaato keenayo ama in loo baahnaa in cayilka lala dagaallamo".

    Wuxuu intaas ku daray in hadda miisaankiisa uu yahay 76 kiilo, kaasoo ku habboon dhirirkiisa oo ah 5ft 7in (170cm).

    Hase ahaatee Mr Museveni ma uusan sheegin muddada ay ku qaadatay inuu iska rido 30 kiilo.

    "Waxaan cunaa xoogaa xididka kasaafada ah, sababtoo ah ma cuno raashinkiinna Yurub iyo kuwa Aasiya toona. Waxaan cunaa raashinkeenna sida; kasaafada, mooska, misirta iyo khudaarteenna dabiiciga ah", ayuu yiri Mr Museveni oo u warramayay BBC-da.

  20. Trump oo ku wajahan Shiinaha

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in warbaahinta qaar ee Mareykanka ay Iran ka sheegayaan waxyaabo aan run ahayn, kuwaas oo Iran siinaya rajo. Wuxuu sheegay in arrintaas ay la mid tahay “khiyaano.”

    Hadalkan ayuu sheegay kadib markii wargeyska New York Times uu qoray in dowladda Trump ay sheegtay in ciidamada Iran si weyn loo wiiqay, laakiin warbixinada sirdoonka Mareykanka ay muujinayeen in xaaladdu aaney sida Trump u sheegyo ahayn.

    Marka hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping uu ku soo dhoweeyo dhiggiisa Mareykanka magaalada Beijing, Donald Trump waxaa la xasuusin doonaa booqashadiisii ​​ugu dambeysay ee 2017 - waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay casho gudaha Magaalada Mamnuuca ah, taasoo ah sharaf uusan madaxweyne Mareykan ah oo isaga ka horreeyay helin.

    Safarka Trump ee Shiinaha ayaa ku soo aadaya iyadoo todobaadkii la soo dhaafay ay halkaas joogeen wefdi ka socda Iiraan. Shiinaha ayaa saaxiib la ah Iiraan.

    Sidoo kale akhri