Colaadda Bariga Dhexe: Lix cashar oo ciidanka Iiraan dunida bareen

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khilaafka u dhexeeya Iran iyo reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, wuxuu socday tobannaan sano.Si kastaba ha ahaatee, muddo dheer si toos ah uma aysan gelin dagaal rasmi ah.
Maraykanku waligiis ciidamo kuma gelin Iran, xitaa markii uu dagaallo ka fulinayay dalalka sida Ciraaq, Afgaanistaan, Yemen iyo Liibiya.
Inkasta oo Maraykanku marar badan milatari uga hawlgalay Bariga Dhexe iyo Gacanka, Iran waxaa inta badan lagu arki jiray oo keliya hanjabaado, gaar ahaan kuwa la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka, balse ma jirin weerar toos ah oo lagu qaaday.
Sidaas darteed, dunidu waxay mar walba ka walaacsanayd waxa dhici kara haddii Maraykanka iyo Iran si toos ah u dagaallamaan.
Bishii Oktoobar 2025, markii Israel ay weerar ku qaaday Iran, kadibna Maraykanku ku biiray weerarradaas, indhaha caalamka ayaa si weyn ugu jeestay dagaalka Iran.
Inkasta oo dagaalku socday 12 maalmood oo keliya, Maraykanka iyo Israel ayaa si wadajir ah mar kale weerar ugu qaaday Iran wax ka yar hal sano gudaheed.
Tan iyo markaas wax badan ayaa dhacay, dagaalkuna wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dunida. Waxa kale oo uu dunida baray waxyaabo cusub oo ku saabsan Iran, kuwaas oo ka duwan wixii hore loo ogaa ama la filayay.





