Netanyahu "waxaa baraha bulshada nooga socda "weeraro u dhigma kuwa diyaaradaha dagaalka ee F-35"

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay in dalal dhowr ah ay si nidaamsan u isticmaalayaan "bot farms" iyo cinwaanno been abuur ah si ay saameyn ugu yeeshaan baraha bulshada.

Wuxuu sheegay in istaraatiijiyaddan looga gol leeyahay in lagu wiiqo taageerada ay shacabka Maraykanku u hayaan Israa'iil iyo in la dhaawaco xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil.

"Bot farms" waa xirmo software oo casri ah oo loo adeegsan karo abuurista akoonno been abuur ah oo ku jira baraha bulshada, sida ay ku qeexday wasaaradda caddaladda Mareykanka.

Isagoo tusaale bixinaya, Netanyahu wuxuu yiri:

"Waxaad maqleysaa fariimo sidan oo kale ah oo leh, 'Waxaan ka imid Texas (USA). Mar walba waxaan taageeri jiray Israa'iil, laakiin hadda aad ayaan uga xumahay ficilladooda, waxaana ka soo horjeestay Israa'iil.'"

Netanyahu wuxuu sheegay in markii la isku dayay in la xaqiijiyo fariintaas, cinwaankeedii lagu ogaaday inuu ahaa "meel hoose oo ku taal Pakistan."

Pakistan weli kama aysan jawaabin eedeynta uu jeediyay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil.

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay CBS News, oo ah bah-wadaag la ah BBC-da.

Barnaamijka 60 Minutes ee weriyaha Major Garrett ayaa waydiiyay Benjamin Netanyahu sida dhalinyarada ku nool Maraykanka ay u saameynayaan sawirrada iyo muuqaallada ku faafaya baraha bulshada. Taas darteed, dhalinyaro badan ayaa qaadanaya mowqif adag oo dhaliilaya ficillada Israa'iil, mararka qaarna ku tilmaamaya "aan ilbaxnimo lahayn" ama "bahalnimo", gaar ahaan arrimaha la xiriira Gaza iyo Lubnaan.

Major Garrett ayaa sheegay in marka arrintan la eego, su'aasha ugu muhiimsan ay tahay: Israa'iil ma luminaysaa booskeedii saaxadda baraha bulshada, mise runtii ma wajahayso caqabado dagaalkan la xiriira ra'yiga dadweynaha?

Ka hor inta uusan si toos ah uga jawaabin su'aashaas, Netanyahu wuxuu dul-istaagay dhowr qodob oo hordhac ah.

Wuxuu sheegay in tallaabooyin aan caadi ahayn laoo qaaday si loo ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku sugan Gaza iyo Lubnaan, iyadoo loo dirayay farriimo qoraal ah, laa sameynayay wicitaanno taleefan, isla markaana la qaybiyay waraaqo iyo agab xayeysiis ah si loogu digo malaayiin qof inay u guuraan goobo ammaan ah.

Dhanka kale, ayuu yiri, Xamas iyo Xisbullah ma aha oo keliya inaysan shacabka kaoda ka saarin meelaha khatarta ah, balse mararka qaar si ula kac ah ayay khatar ugu geliyaan.

Benjamin Netanyahu wuxuu intaas ku daray in inkastoo xaaladahaas jiraan, haddana dhimashada dadka rayidka ah aysan gebi ahaanba laga fogaan karin. Si kastaba, ayuu yiri, saamiga u dhexeeya dhimashada dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada uu dhintay uu ku sugan yahay heer hoose marka loo eego taariikhda dagaallada sokeeye ee casriga ah.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah cabbirrada lagu qiimeeyo xaalad lagu tilmaamayo "xasuuq" ay tahay saamiga u dhexeeya dagaalyahannada iyo dadka aan dagaalka ku lug lahayn ee dhinta. Sida uu sheegay, saamigan dagaalka hadda socda ayaa aad uga hooseeya kan lagu arkay dagaallada sokeeye ee casriga ah, taas oo uu sabab uga dhigay tallaabooyinka taxaddarka ah ee ay qaaday Israa'iil.

Isagoo hadalka sii wata, Netanyahu wuxuu sheegay in sawirka laga abuuro baraha bulshada uu wiiqayo dhammaan dadaalladaas ay sameyneyso Israa'iil.

"Si kale haddii loo dhigo, waxaan aragnay hoos u dhac ku yimid taageerada Israa'iil ee gudaha Maraykanka, waana isbeddel si xawaare leh u kordhayay isla heerkii ay ku fidayeen baraha bulshada. Waxaa jira dalal badan oo adeegsaday bot farms iyo cinwaanno been abuur ah si ay u yareeyaan taageerada shacabka Maraykanka ee Israa'iil iyo inay jebiyaan xiriirka Maraykanka iyo Israa'iil, sababtoo ah dalalkaas waxay aaminsan yihiin inay dan ugu jirto."

Wuxuu sheegay in istaraatiijiyaddan loo adeegsado si aad u xeel dheer.

Isagoo tusaale bixinaya, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil wuxuu yiri:"Waxaad maqleysaa fariin noocan oo kale ah oo leh, 'Waxaan ka imid Texas Mareykanka. Mar walba waan taageeri jiray Israa'iil, laakiin hadda aad ayaan uga xumahay ficilladooda, waxaana ka soo horjeestay Israa'iil.'"

Netanyahu wuxuu sheegay in markii la isku dayo in la xaqiijiyo fariintaas, cinwaankeeda lagu ogaaday inuu ka yimid meel hoose oo ku taal Pakistan.

Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay dhibaato weyn ku hayso Israa'iil.

"Intii aan ku jirnay dagaal ciidan oo caadi ah oo ka socday toddobo jiho, gabi ahaanba maanaan difaacneyn jiheeda siddeedaad, taas oo ahayd dagaalka warbaahinta, gaar ahaan dagaalka baraha bulshada."

"Waad ogtihiin, waxaan ku mashquulsaneyn dagaalka. Marka maanaan arkin in iyagoo nagu soo weeraraya wax u dhiganta diyaaradaha dagaalka ee F-35, annaguna aan isku dayeynay inaan kaga hortagno ciidan fardooley."

"Sidaas darteed waxaan u maleynayaa inaan sidoo kale ku lug yeelanno jihadaas, balse ma aha iyadoo la adeegsanayo faafreeb, ee waa inaan helnaa habab ku habboon dowladaha dimuqraadiga ah.

Ma sameyn karno waxa ay sameeyaan dowladaha kali-taliska ah, laakiin waa inaan helnaa hab aan ugu dagaallanno quluubta iyo maskaxda dhalinyarada Maraykanka ee ku jira baraha bulshada. Waana inaan sidaas sameynaa,dhab ahaantii. dhibaato ayaan qabnaa. Waan qirayaa waana inaan xalinaa."

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil wuxuu sheegay in cid kasta oo sameyneysa arrintan "aysan weerareyn oo keliya Israa'iil, balse ay weerareyso Maraykanka, isla markaana isku dayeyso inay kala qaybiso gudaha Maraykanka.

Ma aha oo kaliya inay kala fogeyso Maraykanka iyo Israa'iil, balse sidoo kale Maraykanka dhexdooda ayaa la kala fogeynayaa."

Markaas ayuu weriyaha barnaamijku codsaday in la caddeeyo in Netanyahu uu ka hadlayay shabakad warbaahin oo ay maamulaan dowlado shisheeye. Jawaabta Netanyahu waxay ahayd: "Aad bay u waaweyn yihiin (bot farms), waxay gaareen jaamacadihiinna iyo manhajyada waxbarashada, iyagoo adeegsanaya habab kala duwan."

Waaxda caddaaladda mareykanka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay bishii July 2024 ku qeexday bot farms inay yihiin "xirmo software oo casri ah oo loo adeegsan karo abuurista akoonno been abuur ah oo ku jira baraha bulshada." Waxa kale oo ay sheegtay in si bot farms-ku u noqdaan kuwo waxtar badan leh, lagu daro farsamooyinka sirdoonka macmalka ah (AI), sida awoodda lagu sameeyo sawirro ama si toos ah loogu abuuro qoraallo.

Si fudud marka loo dhigo, bot farms waa shabakado abaabulan oo ay ku jiraan kumannaan akoon oo been abuur ah ama otomaatig ah oo ku jira baraha bulshada kuwaas oo loo yaqaan bots.

Akoonnadaasi waxay si wadajir ah, iyagoo raacaya hal amar ama hagid, uga shaqeeyaan inay war gaar ah, fikrad, hashtag, ama sheeko u muujiyaan mid si weyn loo taageerayo ama caan u ah, inkastoo taageeradaas aysan dhab ahaan jirin.