You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sheekada gabdho uu kufsaday Sheekh Qur'aan saarayey
Digniin: Maqaalkani waxa uu xambaarsan yahay sharraxaad ku saabsan faraxumayn, gogol-dhaaf qasab ah iyo erayo kale oo laga yaabo in dadka qaar ay dhibto
"Aria" waxay ahayd 13 jir markii uu faraxumeeyay imaam u sheegay inuu "daawayn" u samaynayo.
Cabdul Xaliim Khaan oo ahaa wadaad dhanka diinta aad loogu qadariyo masaajid ku yaalla Bariga London ayaa gabdhaha yaryar iyo waalidkood u sheegi jiray inay u baahan yihiin "daawayn" looga saarayo "ruuxaanta ama jinka noociisa xun".
Gabar kasta marka uu ula dhaqmo si aan wanaagsaneyn waxa uu u sheegi jiray in aysan cidna la wadaagin, isaga usii raacin jiray laga yaabo in qaar kamid ah qoyskeeda ay waxyeello soo gaari karto.
Aria waa magac aan sheekada ugu talo galnay inaan ku tebinoo maaha magaceeda saxda ah, mar ay ka sheekeeneesay ayey tiri "Runtii waxaan aaminsanaa inuu leeyahay awoodo ka sarreeya dadka caadiga ah".
Waxay sheegtay in Khaan uu u sheegay in "wax aad u xun ay ku dhici doonaan aniga iyo qoyskayga" haddii ay waligeed ka hadasho xadgudubka uu u geesanayo, mana ahayn mid ay kaligeed la kulmeesay.
Khaan wuxuu sidan oo kale muddo 11 sano ah xadgudub dhibaatayn ah u geeystay toddobo haween iyo gabdho. gabadhii ugu da'da yareyd ee uu dhibaateeyo waxay ahayd gabar jirtay 12.
Wuxuu ku qancin jiray gabadhaha inay kula kulmaan meelo cidlo ah sida guri dabaq ah ama baabuur. Halkaas ayuu ku kufsan jiray ama si galmo ah ugu xadgudbi jiray isaga oo iska dhigaya Jin oo ah ruux ka sarreeya awoodda aadanaha.
Khan wuxuu dooran jiray baabuur leh muraayado madow, hal dhibbane ayuu siiyay taleefan si uu ula xiriiri karo, mid kalena wuxuu ku dhiirrigeliyay inay daaqadda qolkeeda ka soo degto si ay ula kulanto.
Aria waxaa wadaadka u geesay hooyadeed, kadib markii ay Aria lagu arkay xanuuno ay garan waayeen iyo inay dhibaatooyin kala kulanto iskuulka, waxay u sheegtay in imaamka uu siin doono talooyin.
Markii ay la kulmeen, Khaan wuxuu u sheegay inay gaariga soo gasho. "Markaas ayuu si aan habboonayn ii taabtay," ayay tiri Aria.
"Indhaha waan ka xirnaa, wuxuuna ii sheegay inay jiri doonaan waxyaabo garaacaya daaqadda gaariga. Runtii waan maqlay garaacyadaas. Laakiin dabcan waxaan ahaa gabar 13 jir ah, aad ayaan u baqayay."
Khaan oo 54 jir ah hadda waxaa lagu xukumay xabsi daa'in, iyadoo ugu yaraan 20 sano oo xabsi ah lagu hayo weerarradan argagaxa leh.
Dambiyada lagu helay waxaa ka mid ah sagaal dacwadood oo kufsi ah, iyo sidoo kale dacwado kale oo ku saabsan faraxumayn galmo iyo xadgudub carruur oo la xiriira toddobo dhibbane oo ka tirsan bulshada Muslimiinta deegaanka.
Khaan wuxuu dhibaatooyinkaan sameenaye intii u dhexeysay 2004 iyo 2015, isaga oo adeegsanaya awooddiisa iyo saameyntiisa si uu dhibbanayaasha ugu qasbo inay aamusanadaan.
Booliisku waxay ogaadeen dambiyadiisa sanadkii 2018 kadib markii dhibbanihiisii ugu yaraa ay u sheegtay kooxda iskuulkeeda u qaabilsanaa xadgudubyada. Kiiskiisa waxa uu qaatay shan sano oo kale ka hor inta aan dacwad lagu soo oogin.
BBC-da waxay la hadashay laba ka mid ah dhibbanayaasha Khan si ay uga warramaan wixii ay la kulmeen.
Reerkeyga ima rumeysan
Farax oo sidoo kale aan ahayn magaceeda dhabta ah, waxay la kulantay Khan iyadoo carruur ah kadib markii uu ku qanciyay hooyadeed inay u baahan tahay daaweyn. Farah waxay sheegtay inuu ka faa'iidaystay qoyskeeda.
"Wuxuu sameyn jiray sheekooyin uu ku oranayo, 'Waxaan arkayaa waxyaabo kusoo socda dhiniciinna, waxaad u baahan tihiin in la idin ilaaliyo, waxaan u baahanahay inaan ilaaliyo gabadhaada.'"
Khan ayaa markaas kufsi iyo xadgudub galmo u geystay Farah, isagoo u sheegay inay qayb ka tahay "daaweynta".
Farax waxa ay sheegtay in wax uu sameenayo uusan micno lala lahayn, "Waxaan naftayda ku iri, 'Tani waa khalad, waad ogtahay in sidaan laguu taabto ay khalad tahay, aad baan u jahwareersanaa maalintaas, laakiin dib uguma noqon karin qoyskayga sababtoo ah ima rumaysan lahayn."
Farah ugu dambayn waxay waalidkeeda la wadaagtay markii ay soo weynaatay laakiin waxay sheegtay inaan la rumaysan.
"Qoyskayga ima rumaysan. Dadkii aan filayay inay i ilaaliyaan oo i taageeraan ayaa taa beddelkeeda iga jeestay, i eedeeyay, welina sidaas ayay sameeyaan ilaa maanta," ayay tiri.
"Waxaan dareemayaa inaan wax badan waayey Waxaan isweydiiyaa qofka aan ahay yaan ahay? Xaggee ayaan ka tirsanahay?"
'Waa loo hanjabay maskaxdana waa laga beddelay'
Melissa Garner oo ah dacwad-ooge ayaa kiiskan uga shaqeysay Crown Prosecution Service, waxay sheegtay inaysan "waligeed arag wax la mid ah" xadgudubka Khan uu u geystay gabdhaha yaryar iyo dumarka waaweynba.
Waxay sheegtay inuu "u hanjabay oo maskaxda ka dhaqay" dhibbanayaashiisa si ay u rumaystaan inuu jinni la shaqeeyo "Waxay ahayd arrin aad u naxdin badan, markaad dhab ahaan la kulanto marqaatiyada dhibbanayaasha, aad ayay u murugo badan tahay."
Aisha K Gill, oo ah borofisar ku takhasustay dambiyada kana tirsan Jaamacadda Bristol, sidoo kalena ahayd dadkii sharaxaad ka bixiyey asalka diimeed ee kiiska, waxay sheegtay in inkastoo diinta Islaamka ee saxda ahi aysan ogoleyn sixirka madow, haddana uu leeyahay "saameyn dhaqan oo weyn".
"Dhibbanayaasha waxaa la geliyay inay rumaystaan in Khan oo keliya uu ilaalin karo iyaga iyo qoysaskooda xanuunnada xuuriga ah iyo musiibooyinka ku iman kara iyo in haddii ay ka baxaan gacantiisa ay wajihi doonaan cawaaqib aad u xun," ayay Prof Gill ku dartay.
Waxay sheegtay in ka hadalka xadgudubka galmada ay dumarka Muslimiinta ah ku tahay arrin ceeb badan, dumar badan waxaa lagu barbaariyaa inaanay arrimaha gaarka ah kaga hadlin meel ka baxsan qoyska, waxayna gudaha ka dareemi karaan ceebtii dhab ahaantii ahayd inay dusha ka saarnaato dembiilaha," ayay tiri.
"Isku darka awoodda diimeed, cabsi ruuxi ah, iyo nuglaanta dhaqameed ayaa ka dhigaya kiiskan mid si gaar ah u duwan kuwa kale".
Saameynta uu ku reebay
Farax waxay sheegtay in aysan soo marin waqtigeedii caruurninada sida caruurta kale, iyadoo leh waxay baratay sida loo adkaysto oo keliya.
Farriinteeda ay u dirayso dadka kale ee ka badbaaday xadgudubka waa in qiimahooda aanu ku xirnayn wixii lagu sameeyay, isla markaana aysan kaligood ahayn.
"Inaad badbaaddo kuma dhigayso qof daciif ah ee waxay muujinaysaa xoog", ayay tiri.
Inkastoo Aria ay ahayd keliya gabar dhalinyaro ah markii la faraxumeeyay, haddana ma aysan awoodin inay arrintaas u sheegto hooyadeed ilaa ay gaartay da'deeda 20-meeyada. Waxay sheegtay in dhacdadaasi ay saameyn waarta ku yeelatay nolosheeda.
"Mararka qaar waxaad isweydiisaa, qof noocee ah ayaan ahaan lahaa haddii arrintani aysan ku dhici lahayn.