5 dal oo Afrikaan ah oo liitarka shidaalka ku iibiya wax ka yar qiimaha koobka shaaha ama xabadda jabaatiga

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Iyadoo muwaadiniinta Tanzania iyo Kenya ay sii wadaan cabashada ku aaddan kororka qiimaha shidaalka laga soo bilaabo bishii Abriil iyo hadda ayaa qaar ka mid ah dalalka Afrika waxay weli ku sii iibinayaan shidaalka qiimo aad u hooseeya marka loo eego celceliska adduunka.

Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ay soo saartay Hay'adda Shuruucda Tamarta iyo Biyaha ee Tansaaniya (EWURA), qiimaha batroolka ee Dar es Salaam bishii Maajo 2026 waxa uu gaaray Sh4,115 litirkiiba, una dhiganta ilaa $1.58 litirkiiba. Kenya, maamulaha hay'adda tamarta EPRA ayaa ku dhawaaqday qiimaha batroolka ee Nairobi inuu gaaro ilaa Sh214 litirkii, una dhiganta ilaa $1.66 litirkii.

Qiimaha sare u kacaya ayaa waxaa sabab u ah xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan bariga dhexe, gaar ahaan colaada ka dhex aloosan Iran, Israa'iil iyo Mareykanka. Iskahorimaadku waxa uu sare u qaaday cabsida laga qabo in uu khalkhal galo marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin-biyood muhiim ah kaas oo qiyaastii boqolkiiba 20 ee saliidda dunidu maraan.

Laakiin iyadoo Bariga Afrika uu ku sii socdo inuu qaado culayskan ayaa haddana waxa jira dalal ay muwaadiniintoodu weli saliidda ku iibsadaan qiimo aad u jaban, taas oo ay ugu wacan tahay soo saarista saliidda badan, kabka dawladda iyo siyaasadda tamarta gaarka ah.

Sicirkaas hooseeya waxa lala barbar dhigi karaa qiimaha lagu gato hal ama laba xabbo oo jabaati (sabaayad) ah iyadoo loo eegayo qiimaha jabaatiga iyo baaxadda uu ku leeyahay wadamada Afrika.

5. Suudaan - $0.700 litirkiiba

In kasta oo ay jiraan colaado siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye, Suudaan waxay weli ku jirtaa liiska waddamada leh shidaalka ugu jaban ee Afrika. Arintaan ayaa waxaa sabab u ah soo saarista shidaalka qeybo ka mid ah dalka iyo nidaamyada lagu xakameynayo qiimaha.

Muddo sannado ah Suudaan waxay ku tiirsanayd qaybta saliidda oo ah isha ugu muhiimsan ee dakhliga dawladda. In kasta oo wax-soo-saarku hoos u dhacay ka dib goosashada Koonfurta Suudaan, haddana waddanku wuxuu weli leeyahay kaabayaal shidaal oo taageera helitaanka batroolka la awoodi karo.

Sidoo kale, dowladda Sudan ayaa isku dayday inay yareyso saameynta kororka qiimaha shidaalka caalamka iyadoo si joogto ah u faragelinaysa suuqa gudaha, gaar ahaan xilliyada qalalaasaha dhaqaale iyo siyaasadeed.

4. Masar – $0.454 litirkiiba

Masar ayaa ka mid noqotay dalalka ugu shidaalka jaban Afrika inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale oo soo food saaray muwaadiniinteeda. Xukuumadda Qaahira ayaa marar badan soo faragalisay waaxda tamarta si ay uga hortagto in qiimuhu si degdeg ah u kaco.

Wadanku waxa uu leeyahay wax soo saar u gaar ah oo saliid iyo gaaska dabiiciga ah oo ku yaal gobollada Mediterranean-ka iyo saxaraha Siinay, taas oo gacan ka geysata dhimista ku tiirsanaanta saliidda dibadda laga keeno.

Intaa waxaa dheer, dawladda Masar waxay isticmaashaa siyaasado lagu xakameynayo qiimaha saliidda oo ku salaysan xaaladda dhaqaale ee dadka iyo sicir-bararka. Tani waxay u sahashay in dalku uu sii ahaado shidaal ka jaban dalal badan oo bariga Afrika ah.

3. Aljeeriya - $0.355 litirkiiba

Aljeeriya waa mid ka mid ah dalalka ugu weyn ee soo saara saliidda iyo gaaska ee Waqooyiga Afrika. Dhaqaalaha dalka ayaa si weyn ugu tiirsan saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee loo dhoofiyo Yurub.

Dowladda Aljeeriya ayaa sii wadda in ay ku soo rogto kabitaan aad u badan badeecadaha lagama maarmaanka ah sida saliidda, gaaska, daqiiqda iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah si loo yareeyo qiimaha nolosha ee muwaadiniinteeda. Nidaamkan kabitaanka ayaa Algeria ka dhigay mid ka mid ah dalalka ugu hooseeya qiimaha saliidda muddo dheer. Laga bilaabo bishii May, waddanku wuxuu ku jiraa kaalinta 8aad ee iibinta saliidda jaban.

Intaa waxaa dheer, Aljeeriya waxay sii wadaa inay kordhiso wax soo saarka saliidda iyo gaaska sanadka 2026 si ay u xoojiso dakhligeeda tamarta ayna u kordhiso saamaynta ay ku leedahay suuqa adduunka.

2. Angola - $0.327 dollar halkii litir

Angola waa mid ka mid ah kuwa ugu badan ee soo saara saliida gobolka saxaraha hoose. Dalku waxa uu soo saaraa in ka badan hal milyan oo fuusto oo shidaal ah maalintii, taas oo si weyn u xakamaynaysa qiimaha gudaha.

Dowladda Angola ayaa sii waday maalgelinta ay ku sameyneyso warshadaha saliidda si ay u yareyso ku tiirsanaanta saliidda sifeysan ee dibadda laga keeno. Mashaariicda sifaynta casriga ah waxay ujeedadoodu tahay in la kordhiyo awoodda dalka si uu isugu filnaado wax soo saarka batroolka.

In kasta oo Angola ay weli soo dhoofsato qayb ka mid ah wax soo saarkeeda batroolka ee la sifeeyay, haddana dawladdeedu waxay ku koontaroolaysay qiimaha iyada oo u maraysa kab iyo siyaasado tamareed oo looga gol-leeyahay in lagu dhimo qiimaha nolosha ee muwaadiniinteeda. Celcelis ahaan Qiimaha Shidaalka Dalku waa 0.327 Dollar Litirkiiba, taasoo ka dhigaysa kaalinta labaad ee ugu jaban Afrika iyo kaalinta afraad ee ugu jaban adduunka.

1. Liibiya - $0.024 litirkiiba

Liibiya ayaa ah dalka ugu qiimaha hooseeya shidaalka Afrika iyo xitaa adduunka xilligan. Qiimaha ayaa ah mid aad u jaban oo halkii litir ee saliidda ah ee dalka ku jirta waxa ay ka qiima yar tahay marka loo eego biyaha laga cabo qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Sababta ugu weyn ayaa ah in Liibiya ay leedahay keydka ugu weyn ee saliidda adduunka. Dalku waxa uu leeyahay in ka badan 48 bilyan oo fuusto oo kayd shidaal ah oo la xaqiijiyey, tiradaas oo ka dhigaysa in uu ka mid yahay 10ka waddan ee ugu qanisan saliidda.

Marka laga soo tago in ay tahay dalka ugu weyn ee soo saara saliidda, dowladda Liibiya waxa ay sii waday in ay si weyn u kabto shidaalka gudaha si loo dhimo kharashka dadweynaha. Dawladdu waxay ku bixisaa kharash aad u badan si ay u kabto qiimaha shidaalka ee suuqa, taas oo u ogolaanaysa muwaadiniinta inay ku iibsadaan shidaal qiimo aad u jaban iyadoo ay jiraan caqabado siyaasadeed oo dalka ka jira.

$0.024 litirkiiba waxay u dhigantaa 52 shilinka Tansaaniya ah ama 3 shilinka Kenya ah oo xitaa aad uga yar koobka shaaha ama xabbadda nacnaca.