TOOS, Xayiraadda Mareykanka ee Marinka Hormuz oo dhaqan galeysa iyo Iiraan oo lagu eedeyay fal argagixisnimo

Iiraan dhankeeda waxaa ay muujisay in tallaabada Mareykanka aysan wax ka badeli karin qorshahooda ku aaddan Marinkaas muhiimka ah

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

    Madaxweyne Cirro

    Xigashada Sawirka, Google

    Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii ugu horreysay ee ku dhiiratay aqoonsiga Somaliland isla markaana uu aaminsanyahay in ay tahay “saaxiib la isku halleyn karo”.

    Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo saaka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay arrimo badan, ayaa intaas ku daray in mustaqbalka dhow ay Somaliland aqoonsan doonaan dalal kale.

    Madaxweyne Cirro ma carrabaabin dalalka uu sheegay in Somaliland ay aqoonsandoonaan.

    Waxaa kale oo uu sheegay in ay jiraan dalal kale oo doonaya in ay Somaliland la yeeshaan xiriir diblumaasiyadeed iyo mid wada shaqeyn.

    Madaxweyne Cirro oo guulo ku tilmaamay tallaabooyinkan ayaa sheegay in horumarkaas ay muujiyeen ama soo saareen cadow badan oo Somaliland ay leedahay. Wuxuu sheegay in meelo badan laga abaabulay dhagaro badan oo ka dhan ah Somaliland.

  2. Guddoomiye Aaden Madoobe muxuu ka yiri sharciyadda baarlamaanka?

    SNTV

    Xigashada Sawirka, Aadan Madoobe

    Inkastoo muddo xileedka rasmiga ah ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya uu ku ekyahay maanta oo bisha Abriil tahay 14, haddana markii dhawaan la ansixiyay wax ka badelka dastuurka Soomaaliya waxaa soo baxayay su’aalo arrintaan ku gedaaman.

    Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in “baarlamaanku joogi doono inta uu tilmaamay dastuurka rasmiga ah” wuxuuna hadalkaan sheegay kadib markii uu madaxweyne Xasan saxiixay dastuurka la ansixiyay.

    Hadalka guddoomiyaha ayaa muujinaya in dastuurkii ku meel-gaarka ahaa ee markii hore lagu soo doortay baarlamaanka aan lagu dhaqmi doonin.

    Wuxuu yiri: “kii ku meel-gaarka ahaa maaha waan dastuurka rasmiga ah”.

  3. War deg deg ah, Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto go'aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah inuu xayiraad dhanka badda ah ku soo rogo Marinka Hormuz ee Iiraan.

    Netanyahu wuxuu kaloo sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka G.D. Vince uu ku wargeliyay wadahadallada uu la galay Iiraan ka dib markii uu ka tagay Pakistan, kuwaas oo aan weli la isku afgaran.

    Waa in la ogaadaa in Taliska Dhexe ee Mareykanka uu ku dhawaaqay in xayiraadda dekedaha Iiraan ee Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan ay dhaqan gashay, iyadoo amarka Madaxweyne Trump uu bixiyay

    Dhinaca kale, Iiraan waxay ka digtay joogitaanka in markab kasta oo milatari oo u dhow Gacanka Hormuz loo arki doono xadgudub ka dhan ah dalkooda.

  4. Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

    Farmaajo

    Xigashada Sawirka, Farmaajo

    Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku baahiyay ku sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad halis ah: "Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, taas oo ay aasaas u tahay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka".

    Farmaajo ayaa sheegay in muddo xileedkii baarlamanka uu maanta ku ekyahay isla markaana sidoo kale muddo xileedka madaxweynaha dowladda federaalka ay ka harsantahay 31-cisho.

    Madaxweynihii hore ayaa qoraalkiisa ku yiri: "Marxaladdan xasaasiga ah waxay u baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan, lagu kalsoonaan karo, loogana hortago firaaq dastuuri ah oo halis gelin kara xasilloonida iyo dowladnimada dalka,".

  5. War deg deg ah, Maxey tahay talada Ruushku Iiraan u jeediyay

    Wasiirrada Arrimaha dibadda ee Ruushka iyo Iiraan

    Xigashada Sawirka, TATYANA MAKEYEVA/POOL/AFP via Getty Images

    Waxaa jiray wadahadal dhanka taleefanka oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabbaas Caraqji.

    Labada wasiir ee arrimaha dibadda ayaa ka wadahadalay wadahadalladii Iiraan iyo Mareykanka ee ka dhacay Islamabad Abriil 11keedii.

    Sida laga soo xigtay war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, "Ruushku wuxuu Iiraan u sheegay inay muhiim tahay in la sii wado wadahadallada lana helo xalal meesha ka saaraya xididdada khilaafka iyo hubinta xasilloonida muddada dheer ee gobolka, iyadoo la tixgelinayo danaha sharciga ah ee Iiraan iyo deriskeeda."

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Lavrov ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in laga fogaado khilaaf kale. Wuxuu ku celiyay, "Ruushku had iyo jeer wuxuu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto xallinta xiisadda. Ruushku wuxuu soo jeediyay qaab-dhismeed amni oo anfacaya Gacanka Faaris oo ay ku jiraan dhammaan dalalka xeebta ku teedsan iyo sidoo kale waddamada dibadda ee saameynta wanaagsan ku yeelan kara wadahadallada."

    Horey, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu u soo bandhigay Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian inuu dhexdhexaadiyo wadahadallada nabadda ee Mareykanka.

    Sida laga soo xigtay warbixin lagu daabacay mareegaha Kremlin-ka, labada hoggaamiye waxay yeesheen wadahadal taleefan Axaddii oo ku saabsan wadahadalladii ka dhacay Islamabad.

  6. War deg deg ah, Iiraan oo shaacisay khasaaraha ka soo gaaray weerarrada Mareykanka iyo Israa'iil

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, LightRocket via Getty Images

    Afhayeenka dowladda Iiraan, Faadumo Mohajrani, ayaa sheegtay in khasaaraha ka dhashay weerarradii Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iiraan lagu qiyaasay qiyaastii 270 bilyan oo doollar.

    Faadumo Mahajirani ayaa caddeysay in qiyaastani ay tahay wadarta guud ee khasaaraha tooska ah iyo kan dadban.

    Iyada oo la hadlaysa wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti, ayay yiri: "Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee kooxdayada wadaxaajoodka ay ka shaqeynayaan, oo sidoo kale lagu soo qaaday wadahadalladii ka dhacay Islamabad, waa magdhowga khasaaraha ka dhashay dagaalka."

    Magdhawga khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa ka mid ahaa 10-kii shuruudood ee Iiraan ee wadahadalladii ay la gashay Mareykanka ee ka dhacay Islamabad.

    Dhanka kale, safiirka Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale magdhow ka dalbaday Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qadar, Baxrayn, iyo Kuwait warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

  7. Hoggaamiyaha Xisbullaah oo diiday wadahadallada Israa'iil

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

    Hoggaamiyaha ururka Xisbullaah, Naim Qassem, ayaa diiday wadahadallada u dhexeeya Israel iyo dowladda Lubnaan, isagoo sheegay in wadahadalladaasi aysan wax faa’iido ah lahayn.

    Hadalkan ayaa imanaya iyadoo saraakiil ka tirsan dowladda Lubnaan ay u ambabaxayaan Washington, D.C. Talaadada maanta ah si ay wadahadallo ula yeeshaan mas’uuliyiin ka socda Israel iyo Mareykanka.

    Dowladda Lubnaan ayaa mamnuucday dhaqdhaqaaqyada milatari ee Xisbullaah oo ay taageerto Iran, maalmo yar kadib markii dagaalka ay la galeen Israel uu billowday horraantii Maarso. Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa dhaleeceeyay kooxda, isagoo ku eedeeyay inay dalka gelisay dagaal ballaaran oo gobolka ah.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Tasnim News Agency, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iiraan, Naim Qassem wuxuu sheegay in “dhammaan Lubnaan” ay bartilmaameed u tahay Israel, isla markaana ay waajib ku tahay dowladda Lubnaan inay “dhaqaajiso ciidanka.”

    Wuxuu sidoo kale weydiiyay dowladda Lubnaan: “Waxaad leedahay waxaad rabtaan xabbad-joojin, laakiin maxay iyagu leeyihiin? Maxaase idinkaga yaalla oo aad cadaadis ku saari kartaan?”

    Naim Qassem ayaa ugu dambeyn sheegay in go’aanka Xisbullaah uusan ahayn inay joojiyaan dagaalka ama is dhiibaan.

  8. War deg deg ah, Iiraan oo dalalka Carabta ka dalbatay magdhow iyo sababta

    Ergeyga Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa warqad u qoray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, isaga oo dalbanaya magdhow ku saabsan khasaaraha ay Iran la kulantay intii uu socday dagaalku.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA, warqaddan ayuu safiirka Iran, Amir Saeed Ervani, ugu qoray Antonio Guterres: isagoo yiri: “Shantan dal waxay jebiyeen waajibaadkoodii caalamiga ahaa ee ku saabsanaa Iran.”

    Warqaddu waxay sidoo kale sheegtay in ficilladan awgood, dalalkan ay leeyihiin masuuliyad caalami ah oo ah inay si buuxda uga bixiyaan magdhow dhammaan khasaaraha loo geystay Iran.

  9. War deg deg ah, Degdeg: Markab Shidaal sida oo maray Marinka Hormuz iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Maraakiib

    Xigashada Sawirka, Shady Alassar/Anadolu via Getty Images

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in markab shidaal oo Shiinuhu leeyahay ah oo ay saarneed cunaqabateynta Maraykanka uu saaka oo Talaadado ah ka gudbay Marinka Hormuz, inkastoo Maraykanku xanibay marin-biyoodkan muhiimka ah, sida lagu sheegay xogta maraakiibta.

    Markabka “Reach Stary” ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka gudba marinka kana baxa Gacanka tan iyo markii la bilaabay xanibaadda, sida ay muujinayaan xogta London Stock Exchange Group, Kpler iyo Marine Traffic.

    Maraykanku wuxuu cunaqabateyn ku soo rogay markabkan iyo shirkadda iska leh, Shanghai Xuanrun Shipping Co., Ltd., sababo la xiriira ganacsigooda ay la leeyihiin Iran.

    Reuters uma suurta gelin inay si degdeg ah ay ula xiriirto shirkadda si ay uga hesho xog arrintaas ku saabsan.

    Sida xogtu muujinayso, “Reach Stary”, oo ah markab dhexdhexaad ah, wuxuu sidaa qiyaastii 250,000 foosto oo shidaal ah.

    Xogtu sidoo kale waxay muujisay in markabka shidaalka ee uu Shiinuhu leeyahay ay shaqaale Shiinaha u dhashay ay saaran yihiin. Markab kale oo cunaqabateysan oo lagu magacaabo “Morlikeshan” ayaa sidoo kale saaka galay marinka, sida lagu sheegay xogta London Stock Exchange Group.

    Markabka “Handysize” oo aan hadda rar wadin ayaa la filayaa inuu shidaal ka raro Ciraaq 16-ka Abriil, sida ay muujinayso xogta la helayo.

  10. War deg deg ah, Iiraan oo ku hanjabtay in ay soo bandhigi doonto awood aan horey loo arkin

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Morteza Nikoubazl/NurPhoto via Getty Images

    Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ka digtay in Iiraan weli aysan muujin inta badan awooddeeda, iyagoo yiri: “Haddii dagaalku sii socdo, waxaan soo bandhigi doonaa awoodo uusan cadowgu ogeyn,” sida ay sheegeen.

    Sida ay warbaahinta Iiraan sheegtay, afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Xussein Mohebi, ayaa sheegay in Iiraan ay soo bandhigi doonto xeelado dagaal oo “casri ah” oo cadowgu awood aad u kooban u yeelan doono inuu kaga hortago, sida uu afhyeenku ku dooday.

  11. War deg deg ah, Pakistan oo war cusub shaacisay xilli xaaladdu sii cakirmeyso

    Pakistan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Difaaca Pakistan Khawaja Asif ayaa sheegay in wareeg cusub oo wadahadallo ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka dhawaan la qaban doono.

    Asif ayaa intaa ku daray, hadal uu Isniintii ku siiyay wariyeyaasha bannaanka dhismaha baarlamaanka, in wadahadalladii dhawaan dhacay ka dib ay jirtay dareen qanacsanaan ah, oo aan weli la laga gaarin wax horumar ah oo la taaban ah.

    Wasiirku wuxuu yiri, "Waxba ma arag marka laga reebo horumarro wanaagsan," isagoo u arkaya inay tani calaamad u tahay in dadaallada diblomaasiyadeed ay ku socdaan waddo wax dhisaysa.

    Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa ku celiyay in wareegga xiga ee wadahadalladan la qaban doono dhawaan.

    Dhankiisa, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sidoo kale Isniintii ka hadlay dadaallada socda ee lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya Tehran iyo Washington, isagoo xusay in xabbad joojinta sii socota ee labada dhinac ay xoojinayso rajada laga qabo horumarka dadaalladan.

  12. War deg deg ah, Shiinaha oo saameyntu gaartay iyo tallaabooyinka laga filayo

    Wariyaha diblomaasiyadda ee BBC, James Landale, ayaa soo sheegaya in xannibaadda Maraykanku ku soo rogay marin-biyoodka Hormuz ay ku qasbi karto Shiinaha oo qayb weyn oo shidaalkiisa ka mid ah ka hela Iran, inuu cadaadis saaro Tehran si loo soo afjaro dagaalka.

    Landale ayaa u sheegay barnaamijka World News podcast, oo lagu baahiyo af Ingiriis, in “Iran ay dhegaysanayso Shiinaha oo ay wax ka maqlayso.”

    Wuu sii sharraxay isagoo yiri: “Shiinaha wuxuu danaynayaa in colaaddan la soo afjaro isla markaana dib loo soo celiyo xasilloonida suuqa caalamiga ah.”

  13. War deg deg ah, Xalay maxaa ka dhacay Marinka Hormuz,?

    Maraakiibta Maraya Hormuz

    Xigashada Sawirka, Shady Alassar/Anadolu via Getty Images

    Waxaa xalay dhaqangalay xanibaadda Mareykanku ku soo rogeydhammaan maraakiibta isku dayaysa in ay galaan ama ka baxaan Marin-biyoodka Hormuz, taas oo sida la sheegay looga golleeyahay in Iraan lagu cadaadiyo furista marinkaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha adduunka.

    Madaxweynah Mareykanka Donald Trump oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa xiriirka bulshada ee lagu magacaabo True Social, ayaa sheegay in uu ku amray ciidankiisa badda in ay joojiyaan islamarkaana baaraan markab kasta oo maraya biyaha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Iiraan siiya lacag jid furasho ah.