Enzo Maresca ayaa la filayaa inuu beddelo Pep Guardiola
isagoo noqonaya tababaraha cusub ee Manchester City ka hor xilli ciyaareedka
dambe.
Sida ay Isniintii sheegtay BBC Sport, tababaraha caanka ah
ee City, Guardiola, ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda kadib ciyaarta Axadda ay
la leeyihiin Aston Villa ee ka dhacaysa garoonka Etihad Stadium, taasoo noqon
doonta kulankoodii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.
Maresca, oo hore u soo noqday tababarihii Chelsea, ayaa loo
aqoonsaday musharraxa ugu cadcad ee beddeli doona Guardiola xilli ciyaareedka
2026–27.
Iyadoo City ay muddo ka badan lix bilood isu diyaarinaysay
bixitaanka Guardiola xagaagan, wada-hadallada lala leeyahay Maresca ayaa maraya
heer aad u horumarsan.
Tababaraha Talyaaniga ah ee 46 jirka ah ayaa doonaya
shaqada, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay
beddelka Guardiola.
Maresca ayaaku guuleystay FIFA Club World Cup iyo UEFA
Europa Conference League isagoo sidoo kale Chelsea u xaqiijiyay u soo
bixitaanka UEFA Champions League intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ugu
horreeyay oo buuxa ee Stamford Bridge.
Waxa uu hore uga soo shaqeeyay Manchester City isagoo ahaa
kaaliyaha Guardiola xilligii ay kooxda ku guuleysatay saddexleyda taariikhiga
ah ee 2022–23, sidoo kalena door weyn ayuu ku lahaa akadeemiyadda kooxda kahor
inta uusan ku biirin kooxda koowaad.
Laacibkii hore ee West Bromwich Albion iyo Juventus ayaa ka
tagay City sanadkii 2023 si uu u maamulo Leicester City, kuwaas oo uu ku
hoggaamiyay inay dib ugu soo laabtaan Premier League xilli ciyaareedkiisii
keliya.
Guardiola oo mar sii horreysay ka hadlayey ayaa yiri:
“Mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka, Enzo
Maresca, si fiican ayaan u garanayaa, laakiin shaqada uu ka qabtay Chelsea
looma qaddariyo sida ay mudan tahay.
“Ku guuleysiga Club World Cup, Conference League, iyo
xaqiijinta Champions League iyadoo kooxdu tahay mid dhalinyaro ah oo horyaal
adag ku ciyaareysa waa wax aan caadi ahayn.”