Markii xildhibaan Gavin uu kooxda Trump kala hadlay aqoonsiga Somaliland iyo wixii uu kala kulmay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sir Gavin Williamson, oo ka mid ah Mudaneyaasha Barlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu dal madax bannaan u aqoonsado Jahmuuriyadda iskeeda madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo hore u soo noqday Xoghayaha Difaaca ee UK, kana mid ah xildhibaannada u ololeeya aqoonsiga Somaliland ayaa u sheegay Wargeyska The Independent inuu wada wada hadallo la yeeshay mas'uuliyiin ka dhow dhow madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo kala hadlay aqoonsi rasmi ah oo ay hesho Somaliland.
Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu intaas ku daray inuu kalsooni ku qabo in Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay uu ku kalsoonyahay inuu ka dhabayn doono aqoonsiga Somaliland, marka uu xilka la wareego bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2025-ka "Waa in ay oggolaadaan oo nagu raacaan, inkastoo marka uu xafiiska la wareego Madaxweyne Donald Trump ay u badan tahay in ay qaadan doonto wakhti ka badan inta aanu rajaynayo." Ayuu yidhi Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo la hadlayey Wargeyska Wargeyska The Independent, waxaanu intaasi sii raaciyey, "laakiin waxa aanu yeelannay kulamo wanaagsan dadka siyaasaddiisa hormuudka u ah, waanu isfahannay".






