Baaxadda khasaarahii dhaqaale ee gaadhay dalalka khaliijka intee le'eg tahay?

Fujayrah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters shirkadaha ku yaalla Khaliijka oo ah kuwa sida tooska ah ugu saameynta badan ku yeeshay dagaalka Iran, ayaa bixin doona warbixintii ugu faahfaahsanayd illaa hadda ee saameynta dhaqaale ee dagaalku ku yeeshay gobolka, marka ay toddobaadkan bilaabaan inay soo bandhigaan natiijooyinkooda maaliyadeed ee rubuca labaad.

Dalalka ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Cumaan, Imaaraadka Carabta iyo Qatar, natiijooyinka shirkadaha ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo kala duwan.

Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in bangiyada iyo shirkadaha hantida ma-guurtada ah ay yihiin kuwa ugu badan ee halista ugu jira, maadaama caqabadihii hore u jiray ay sii xumeeyeen saameynta dagaalku ku yeeshay sicir-bararka iyo heerarka dulsaarka. Dhanka kale, shirkadaha isgaarsiinta ayaa ka badbaaday saameyn weyn, sababo la xiriira qandaraasyo muddo dheer ah iyo baahida adeegyada oo aan si fudud isu beddelin.

Shirkadaha tamarta ayaa wajahaya carqalado ku yimid sahayda sababo la xiriira dagaalka afarta bilood socday, balse waxay sidoo kale heli karaan faa'iidooyin ka dhashay isbeddelka qiimaha tamarta ee uu sababay xiritaanka marinka maraakiibta ee Hormuz.

"Rubuca labaad ayaa muujin doona saameynta dhabta ah ee dagaalka," ayuu yiri Tariq Qaqish, ku-xigeenka madaxa fulinta ee shirkadda la-talinta ee FH Capital. Wuxuu sheegay in rubucii koowaad, oo kaliya qayb ahaan uu saameeyay colaadda oo bilaabatay dhammaadkii Febraayo, uu muujiyay saameyntii ugu horreysay ee ku timid qaybo ay ka mid yihiin dalxiiska iyo duulista.

Abu Dhabi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xaaladda dhaqaale ee dalalka gobolkan oo intooda badan ku tiirsan shidaalka iyo gaaska, waxay inta badan ku xirnaan doontaa heerka ay ugu tiirsan yihiin marinka Hormuz, oo ah jidka keliya ee badda looga maro Khaliijka.

Dhaqaalaha Sacuudi Carabiya, oo sidoo kale leh dekedo shidaal oo ku yaalla Badda Cas, ayaa la saadaaliyay inuu sanadkan kobco 2.1%, sida ay muujinayaan saadaasha HSBC.

Sidoo kale, suuqa saamiyada Cumaan, oo ka baxsan marinka Hormuz, ayaa ka waxqabad fiicnaa suuqyada kale.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Kuwait, oo ku tiirsan marinka maraakiibta, ayaa la filayaa inay hoos u dhac dhaqaale la kulmaan.

Salman Ahmed, madaxa caalamiga ah ee istaraatiijiyadda maalgashiga iyo qoondaynta hantida ee Fidelity International, ayaa sheegay in qayb ka mid ah khatarta dhaqaale ee gobolka ay sii jiri karto, maadaama Iran ay awood ku leedahay marinka Hormuz.

Arbacadii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiis ku-meel-gaar ah oo lagu soo afjarayay dagaalka Iran uu burburay kadib markii Tehran ay qaaday weerarro cusub oo ka dhan ah saldhigyada Mareykanka ee Khaliijka.

"Hoos u dhac kale oo ku yimaada kalsoonida maalgashadayaasha ayaa kordhin kara khatarta ku wajahan shirkadaha ku tiirsan baahida macaamiisha iyo adeegyada," ayay yiraahdeen falanqeeyayaasha shirkadda S&P Global Ratings.

Shirkadaha tamarta iyo isgaadhsiinta oo si wanaagsan u adkeysanaya

Faa'iidooyinka shirkadaha shidaalka iyo gaaska ayaa la filayaa inay sii xoogeystaan, maadaama qiimaha tamarta ee sareeya uu qayb ahaan magdhow u noqonayo khasaaraha ka dhashay wax-soo-saarka yaraaday iyo carqaladaha jira.

HSBC waxay sare u qaaday saadaasheeda qiimaha shidaalka Brent, iyadoo ku qiyaastay $95 halkii foosto sannadka 2026, halka celceliska qiimaha rubuca labaad ay ku qiyaastay $114 halkii foosto.

Inkasta oo Sacuudi Carabiya ay awoodday inay sii waddo dhoofinta shidaalka iyada oo adeegsanaysa Badda Cas, qaybta gaaska ee Imaaraadka Carabta ayaa la kulantay dhibaatooyin.

Shirkadda ADNOC Gas ayaa saadaalisay in iibka gaaska gudaha uu hoos u dhici doono qiyaastii 19% marka loo eego sannadkii hore, taas oo la xiriirta shil ka dhacay mid ka mid ah xarumaheeda.

Dhinaca shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha gobolka sida STC iyo Mobily ee Sacuudi Carabiya iyo e& ee Imaaraadka Carabta ayaa muujiyay adkaysi.

Qaybta macaamiisha, oo ay ku jiraan ganacsiga tafaariiqda iyo dalxiiska, ayaa ka tarjumaysa saameynta carqaladaha dagaalka, inkasta oo kororka isticmaalka gudaha guryaha uu faa'iido u noqday qaar ka mid ah shirkadaha.

Tusaale ahaan, saamiyada shirkadda Dubai ee gaarsiinta cuntada ee Talabat ayaa kor u kacay in ka badan 60% saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Shirkadaha diyaaradaha waaweyn ee Bariga Dhexe ayaa arkay duulimaadyadooda oo ku dhowaaday eber kadib markii weerarrada Israa'iil iyo Mareykanka ee Iran ay sababeen colaado ballaaran oo gobolka ah. Qaar ka mid ah shirkadaha ayaa hadda dib ugu soo laabanaya heerarkii caadiga ahaa ee ka hor dagaalka.

Bangiyada iyo hantida ma-guurtada ah oo hoos u dhacaya

Bangiyada Khaliijka ayaa la filayaa inay soo bandhigaan hoos u dhac hal-god ah oo ku yimaada faa'iidadooda rubuca labaad marka loo eego saddexdii bilood ee hore, sida ay sheegtay Elena Sanchez-Cabezudo, madaxa cilmi-baadhista saamiyada ee qaybta maaliyadda ee EFG Hermes.

Waxay sheegtay in hoos u dhacu uu la xidhiidhi doono dakhliga adeegyada oo yaraaday, taas oo ka dhalatay ganacsiga caalamiga ah ee daciifay iyo hoos u dhaca isticmaalka kaararka deynta ee safarrada dibadda.

Waxay intaas ku dartay in bangiyadu weli leeyihiin awood ay ku adkeysan karaan xaaladda, maadaama ay haystaan lacag badan iyo awood dhaqaale.

S&P Global Ratings waxay sheegtay in bangiyada gobolka ay leeyihiin "qaab-dhismeed maaliyadeed oo deggan", balse hubanti la'aanta ka dhalatay dagaalka ay hoos u dhigi karto kobacooda.

Qaar ka mid ah bangiyada Imaaraadka ayaa kordhiyay kaydka lacagaha iyaga oo kor u qaaday dulsaarka ay siinayaan dadka cusub ee kaydsada.

Dhanka kale, suuqyada hantida ma-guurtada ah ee Imaaraadka, oo sannado badan kobac xooggan sameeyay, ayaa hadda muujinaya calaamado cadaadis ah.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digay khataraha ku iman kara tirada ajaanibta dalka ku nool iyo baahida dalxiiska haddii xiisadaha ay sii socdaan.

Qaar ka mid ah shirkadaha dhismaha ayaa qaaday tallaabooyin ay ku ilaalinayaan lacagtooda, sida dhimista ama dib u dhigista bixinta saamiyada faa'iidada.

Citi ayaa sheegtay in iibka guryaha Dubai rubuca labaad uu ahaa "mid aad uga hooseeya" heerarkii ka hor dagaalka, halka Abu Dhabi uu sidoo kale hoos u dhac la mid ah balse ka yar uu ku yimid.

Shirkadaha waaweyn ee gobolka waxaa ka mid ah Emaar Properties iyo Aldar Properties.

Si kastaba ha ahaatee, Francesc Balcells, oo ah madaxa maalgashiga deynta suuqyada soo koraya ee shirkadda FIM Partners, ayaa aragti ka wanaagsan ka bixiyay xaaladda.

Wuxuu sheegay in inkasta oo qaar ka mid ah shirkadaha hantida ma-guurtada ah ay gaabis yihiin, haddana farqiga khatarta deynta ee gobolka oo ah kharashka dheeraadka ah ee maalgashadayaashu dalbadaan si ay u iibsadaan curaarta uu "ku dhowaad ku soo noqday heerarkii caadiga ahaa."

"Waa arrin la xiriirta awoodda maaliyadeed ee shirkadaha. Shirkadahani waxay leeyihiin awood maaliyadeed oo aad u xooggan, sidaas darteed waxay u adkeysan karaan dhibaatooyin waaweyn sida tan," ayuu yidhi