Qoraal aad soo dhigtay barahaada-bulshada ayaa sabab u noqon kara xabsi aad gasho ama dhalashada oo lagaala noqdo

Sawir muujinaya askari ku jira roondo

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Labadii bilood ee u dambaysay, tan iyo intii uu bilowday dagaalka Maraykanka-Israa'iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan, dalalka gacanka ayaa xirayay oo dacwad kusoo oogayay ama tarxiilayay dadka lagu soo eedeeyo inay daabacayaan warbixinada loo arko inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka.

Masuuliyiinta dalalkan ayaa u diiday inay qaataan racfaan cid kasta oo lagu helay dambi, waxaana ay xataa ka qaadayeen aqoonsiga dhalashada ee dalkaasi.

Baxrayn waxaa ay ka qaaday dhalashadooda 69 qof, wasiirka amniga gudaha Baxrayn ayaa yiri ''shakhsiyaadkan haystay dhalashada Baxrayn waxaa looga qaaday ammaanta iyo ficilada cadowga Iiraan ama inay muujinayeen taageerada Iiraan.''

Laamaha ammaanka ayaa si dhow u dabagalayay adeegsadeeyaasha iyo u dhaqdhaqaaqayaasha bulshada barahooda social media, talaabo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku tilmaameen weerar ka dhan ah xorriyada uu qofku leeyahay inuu hadlo.

Baxrayn iyo Kuwait, dadka la xiray waxa ay ka tirsan yihiin kooxo kala duwan oo ay kamid yihiin saxafiyiin, dad caan ka ah baraha bulshada, u dhaqdhaqaaqayaal xuquuqda aadanaha iyo muwaadiniinta caadiga ah.

Dalalkan ayaa sheegay dacwadaha lagu soo oogay shakhsiyaadkan ay kamid yihiin kicin kala qaybsanaan diimeed, in ay faafinayeen warbixino been abuur ah, si khalad ah oo ay isticmaaleen taleefoonada gacanta iyo ficilo kale oo khatar galinaya ammaanka qaranka.

Dhowr dal oo kamid ah kuwa gacanka Persia ayaa ka digay bilowga calood ka dhalanaysa iyo in la mamnuucay qaadista sawirada, muuqaalada iyo daabicida warbixino la xiriira weerarada Iiraan ee dalalkaasi.

Qoysaska kuwa la xiray ee Baxrayn iyo Kuwait ayaa sheegaya inay kala walaacsan yihiin in loo diido helitaanka maxkamada cadaalad ah iyo in laga xayuubiyo dhalashadii dalalkaasi ee ay haysteen.

Waxaa arrintan ay imaanaysaa dhaqangalinta sharci cusub oo dhalashada dalka Kuwait iyo mid kale oo iyaduna ay soo saartay dowladda baxrayn.

U dhaqdhaqaaqe bulsho oo u dhashay Kuwait oo diiday in magaciisa la xuso ayaa u sheegay BBC in masuuliyiintu ay si dhow u dabagalayaan baraha bulshada inta lagu guda jiray dagaalka.

Waxaa ay sameeyeen dalalkan jidgooyooyin waddooyinka oo saraakiisha ay kaga eegayaan buslahada barahooda social media ama farriimaha taleefoonadooda, sawirada iyo iyaga oo dhagaysanaya codadkala isu diro (voicemail)

Saxafi lagu maxkamadeeyay Kuwait oo lasii daayay

Saxafi Kuwaiti-Maraykanka ah Ahmed Shahabuddin oo la sii daayay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kadib muddo asbuucyo ah oo ay xirnaayeen iyada oo ay ku socotay baaritaano ah inay si khaldan u isticmaaleen barta bulshada, waxaa ay maxkamada ammaanka oo Kuwait xukuntay 135 qof April 23.

Ilaa 17 qof oo tuhmanayaal ah ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah kiisas la xiriira baraha bulshada, mid kamid ah dadka lasoo eedeeyay oo ku nool dibadda ayaa lagu xukumay isaga oo maqan 10 sano oo xabsi ah.

Maxkamadu ma aysan xukumin ilaa 109 tuhmanayaal ahaa, waxaase ay amartay inay ka saaraan waxyaabihii ay soo dhigeen baraha bulshada, sagaal kale waa la sii daayay. Dhammaan waxaa ay wajahayeen xukuno la xiriira inay kicin diimeed samaynayeen ayna baahinayeen warbixino been abuur ah.

Kuwa lasii daayay ee dambiga lagu waayay waxaa kamid ah Axmed Sahabuddin, saxafi Maraykanka iyo Kuwait u dhashay oo la xiray horraantii bishii Maarso isaga oo booqanayay qoyskiisa.

Shahabuddin waxaa lagu soo eedeeyay inuu baahinayay warbixino been abuur ah, inuu khatar galinayay ammaanka qaranka iyo inuu si khaldan u isticmaalayay taleefonka gacanta.

Cabsida la xiriirta dhalashada muwaadinimo ee lagaala laabanayo

Ra'iisul wasaaraha Kuwait, Ahmed Al-Abdullah Al-Sabah oo booqanaya garoonka caalamiga ah kadib weeraro gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo uga yimid dhanka Iiraan

Xigashada Sawirka, Kuwait PM's office / Anadolu via Getty Images

Bishii Maarso, Kuwait waxaa ay meel marisay sharci lagu xukumayo 3 ilaa 10 sano iyo ganaaxyo ciddii warbixino ay la socdaan muuqaalo iyo sawiro ay ka muuqdaan liidasho milatariga ama 'kicin arbushaad ammaanka qaranka'''

Dowladda qaranka ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay samaynayso maxkamado gaar ah oo la xiriira ammaanka qaranka iyo la dagaalanka argagixisada.

Mahmoud Shalabi oo ka tirsan hay'adda Amnesty International ayaa sheegay in cadaadisyadan ay dhalinayaan inay yareyso waxa ay kusoo bandhigayaan internet-ka iyo in madax banaanidii saxaafada ee dalka ay sii adkaynayso.

BBC ayaa la hadashay muwaadin Kuwaiti ah kaasi oo walaalkiis la xiray markii uu dagaalku bilowday.

Waxaa uu sharaxay in xiritaanka uu la xiriiray warbixin uu kusoo dhigay barta bulshada iyo qoraal la xiriiray dilkii hoggaamiyihii Iiraan Cali Khamenei oo uu saaray jamsho (like)

Muwaadin Kuwaiti ah oo aan doonayn in magaciisa la sheego ayaa intaa ku daray in inta ugu badan ee dadka la xiray ay kasoo jeedaan bulshada shiicada ee muslimka ah, waxaana taasi ay ku dhalisay dad badan inay ka cabsadaan inay si xor ah ugu soo bandhgaan ra'yigooda baraha bulshada.

Baxrayn oo muwaadinimada kala noqotay dhowr qof

Baxrayn sidoo kale waxa ay xirtay sida ay sheegeen dad warbixino kusoo dhigayay baraha bushada kuwaasi oo khatar ku ah ammaanka qaranka.

Amnesty International ayaa sheegtay dad badan oo kamid ah dadka la xiray ee labadaasi dal lagu soo oogay dawacad iyaga oo cabiraya xuquuqda ay u leeyihiin cabiritaanka fikirkooda, waxaa ku jira eedaha loo soo jeediyay inay faafinayeen ''warar been abuur ah'' ama inay si khaldan u isticmaalayeen baraha bulshada.

Mahmoud Shalaby oo cilmi-baare gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika oo ka tirsan hay'addan ayaa u sheegay BBC inay jiraan ''walaacyo aad u daran'' oo ku saabsan nidaamka loo maray maxkamadaynta. ''Baxrayn qaar kamid ah kuwa la xiray ayaa loo diiday inay helaan qareeno.