Waa maxay dalabaadka Iiraan ee xabbad joojinta?

Xigashada Sawirka, Reuters
Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ayaa sii socota iyadoo Trump uu ka digay inay ku soo laaban karaan weerarka Tehraan.
Trump ayaa hadal uu dhawaan jeediyay ku sheegay in "Iiraan aysan haysan wax kale oo aan ahayn in ay wakiiladeeda u dirto Pakistan si ay wadahadal ula yeeshaan".
Isagoo la hadlayay telefishinka CNBC, Trump wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay inay heshiis gaari doonaan.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guuleysteen in ay go'doomiyaan ciidamada badda ee Iiraan.
Mar la weydiiyay inuu kordhin doono xabbad joojinta, Trump wuxuu yiri "Ma doonayo inaan taas sameeyo, weerarradu way sii socon doonaan, sababtoo ah taasi waxay noqon doontaa waxa saxda ah ee la sameeyo".
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin laba toddobaad ah si loo oggolaado waqti ay wadahadallo ku qabsoomaan. Wadahadaladii ugu horeeyay ayaa la isku mari waayay, iyadoo labada dhinac midba midka kale uu ku eedeeyay.
Iiraan ayaa ku dhawaaqday in aysan go'aansan in wafdigooda ay u diraan Pakistan si ay uga qaybgalaan wadahadallada Mareykanka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Ismaaciil Bakei oo la hadlay BBC-da ayaa yiri: "Waxaan ku heshiinnay inaan ka qayb galno wadahadalladan si niyad wanaag leh, laakiin dhinaca kale ma aysan lahayn wax dhab ah oo ay ku doonayaan inay heshiis gaaraan ama ma aysan lahayn niyad wanaag, dhowr jeer ayay beddeleen mowqifkoodii, waxayna sameeyeen hanjabaado dagaal".
Wadahadal ma ka dhici doona Pakistan?
Ilaa hadda ma cadda in wadahadallada lagu soo afjarayo dagaalka billowday 28-kii Febraayo, kaddib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay weerar ku qaadeen Iiraan.
Heshiiska xabad joojinta ku meel gaarka ah ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo 22-ka Abriil.
Balse Trump ayaa sheegay in xabad joojinta ay socon doonto ilaa ay Iiraan ogolaato heshiis.
Weli ma cadda in wareeggii labaad ee wada-hadallada nabadeed uu guulaysan doono ka dib markii wareegii koowaad uu burburay.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance, oo la filayo inuu hogaamiyo wadahadalada Pakistan, ayaa dib u dhigay safarkiisa, waxaana uu ku kordhiyay xabad joojinta muddo aan la cayimin.
Afhayeenka baarlamaanka Iiraan, oo sidoo kale hogaaminaya wafdiga Iiraan ee wadahadalada ayaa yiri "ma aqbali doonno wada xaajood ay hanjabaado nagu soo wajahaan".
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynayaa inuu jabiyay heshiiskii xabad joojinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xayiraadda Militariga Mareykanka
Taliska dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Mareykanka ay amar ku bixiyeen in 27 markab oo laga leeyahay dalka Iiraan ay joojiyaan safaradooda tan iyo markii uu bilowday go'doominta ciidamada Mareykanka.
19-kii Abriil, ciidamada badda ee Mareykanka ayaa qabtay markab Iiraan laga leeyahay oo doonayay inuu ka gudbo go'doominta Mareykanka. Iiraan ayaa falkaas ku tilmaantay "burcad-badeednimo".
Iiraan ayaa horey u hor istaagtay maraakiibta "cadownimada" ah ee mara marin biyoodka Hormuz. Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uusan qaadi doonin go'doominta militari ee marinka badda ilaa Iiraan ay ogolaato heshiis.
Safiirka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay, Amir Saeid Said, ayaa sheegay inay jiraan calaamado muujinaya in Maraykanku uu qaadayo xayiraadda milateri ee uu saaray dekedaha Iiraan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inay ka qayb galayaan wareegga labaad ee wadahadallada marka la qaado xayiraadda.
Waa maxay dalabaadka Iiraan ee xabbad joojinta?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta ee ku meel gaarka ah lagu gaaray shuruud ah in Tehran ay dib u furto marin biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta shidaalka iyo badeecadaha ka yimaada gacanka Faaris.
Iiraan ayaa ogolaatay in maraakiibta ay maraan marin biyoodka Hormuz muddo laba toddobaad ah, balse taasi ma sii socon muddo dheer.
Iiraan ayaa sidoo kale dalbatay in Mareykanku qaado cunaqabateynta dhaqaale ee uu saaray, magdhowga khasaarihii ka dhashay dagaalka iyo in la sii daayo hantida Iiraan ee uu Mareykanka xayiray.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa u safray dalka Pakistan wareegii koowaad ee wadahadalada nabadda, balse waxa uu dib ugu laabtay Washington iyada oo aan wax natiijo ah ka soo bixin ka dib wadahadalo saacado badan qaatay.
Sababo la xiriira fashilka heshiis cusub, Mareykanka wuxuu bilaabay inuu xayiraad dhanka badda ah ku soo rogo Iiraan, wuxuuna ku hanjabay inuu ku soo rogi doono cunaqabatayn dhaqaale oo dheeri ah.
Wareegii labaad ee wadahadalka nabadda sidoo kale ma dhici karo todobaadkan. Waxay u egtahay in Trump uu rajeynayo inuu iibsado (helo) waqti, wuxuuna kordhiyey xabbad joojinta muddo aan la cayimin.











