You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo uga digay Taiwan in ay ku dhawaaqdo madaxbanaani kadib kulankii madaxweynaha Shiinaha
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay Taiwan inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo inay ka madax bannaan tahay Shiinaha.
"Ma rabo in qof kale hada go'o," madaxweynaha Mareykanka ayaa u sheegay Fox News Jimcihii, dhamaadkii shir madaxeedka labada maalmood qaatay ee uu kula yeeshay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping magaalada Beijing.
Madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te ayaa horay u sheegay in Taiwan aysan u baahneyn in ay ku dhawaaqdo madax-banaani rasmi ah, sababtoo ah waxay mar hore isu aragtaa dal madax banaan.
Maraykanku waxa uu muddo dheer taageerayey Taiwan, isaga oo sameeyay sharc si uu u siisyo hab ay isku difaacdo, laakiin waxa ay marar badan ku qasbanaatay in ay laba jibaartoisbahaysiga sii ay u sii waddo xiriirka diblomaasiyadeed ee Shiinaha.
Trump ayaa mar sii horeysay sheegay in uusan "wax ballan ah la sameyn " jasiiradda iskeed isu maamusha - oo Shiinuhu ku andacoonayo in ay ka mid tahay dhulkiisa, taa oo uusan meesha ka saarin in uu xoog ku qabsado.
Mawqifka Washington ayaa ah in aanay taageersanayn madax-bannaanida Taiwan, iyada oo xiriirka sii socda ee Beijing uu ku xiran yahay aqbalka Maraykanka ee in ay jirto hal dawlad oo Shiinaha ah.
Beijing ayaa si weyn hray ugu sheegtay sida ay u nacday madaxweynaha Taiwan oo ay hore ugu tilmaantay inuu yahay "qaswade" iyo "burburiyaha nabadda".
Qaar badan oo reer Taiwan ah ayaa isu haysta inay qayb ka yihiin qaran gaar ah - inkastoo intooda badani ay taageersan yihiin in la sii wado xaaladda hadda jirta oo Taiwan aanay ku dhawaaqin inay ka madaxbannaan tahay Shiinaha, lana midoobin.
Wareysiga uu siiyay Fox News ayuu Trump ku celceliyay in siyaasadda Mareykanka ee arrintan aysan waxba iska bedelin.
"Sida aad ogtihiin waxa ay noqon leheed in aan 9,500 oo mayl (15,289km) u socono si aan dagaal ula galno, ma doonayo taas, waxaan rabaa in ay qaboobaan, waxaan rabaa in Shiinaha uu qaboojiyo."
Markii uu ku soo laabtay Washington, madaxweynaha Mareykanka ayaa u sheegay suxufiyiinta in isaga iyo Xi ay "wax badan" ka wada hadleen jasiiradda, laakiin wuxuu sheegay inuu diiday inuu ka hadlo in Mareykanka uu difaaci doono iyo in kale.
Xi "aad buu u dareemayaa" jasiiradda, mana rabo inuu arko dhaqdhaqaaq madaxbannaan," ayuu yiri Trump.
"Su'aasha Taiwan waa arrinta ugu muhiimsan ee xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka," Xi ayaa ka digay inta lagu guda jiro wadahadalka, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Shiinaha, isagoo raaciyay: "Haddii si khaldan loo maamulo, labada waddan waa isku dhici karaan ama xitaa waxay geli karaan isku dhac."
Mar la waydiiyay in uu saadaaliyay in Shiinaha uu isku dhac ka dhexeeyo Taiwan, Trump waxa uu yiri: "Maya, uma maleynayo, waxaan u maleynayaa inaan fiicnaan doono.
Shiinaha ayaa xoojiyey dhoolatuska milatari ee jasiiradda sanadihii ugu dambeeyay, taasoo sare u qaaday xiisadda gobolka iyo tijaabinta dheelitirka ay Washington samaysay.
Dabayaaqadii sannadkii hore, maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay xirmo hub oo dhan $11bn oo doolar oo laga iibinayo Taiwan, oo ay ku jiraan gantaallada casriga ah iyo gantaalla kala duwan, taasoo Beijing ay cambaareysay.
Trump ayaa sheegay in uu dhawaan go'aan ka gaari doono in iibkaasi uu sii socdo iyo in kale, isaga oo intaa ku daray in isaga iyo Xi ay si weyn uga wada hadleen.
Waxa uu intaa ku daray: "Waxaan u sheegayaa waa inaan la hadlaa qofka hadda jira, waad ogtahay, waad ogtahay cidda uu yahay, ee maamula Taiwan."