Human Rights Watch oo soo bandhigtay caddaymo muujinaya dalalka Imaaraadku mariyey calooshood u shaqaystayaasha Colombia

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Baaritaan ay sameeyeen koox hormuud u ah xuquuqda aadanaha ayaa lagu helay cadaymo Imaaraatka Carabtu ku lug leeyihiin oo ah qoritaanka calooshood u shaqeystayaasha Colombia si ay uga qeyb qaataan dagaalka Suudaan. Human Rights Watch ayaa sheegtay in shirkad amni oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi, oo xiriir la leh qoyska talada haya, ay abaabushay duulimaadyo iyo tababar ka hor inta aysan si qarsoodi ah u qaadin dagaalyahanno si ay u caawiyaan ciidamada fallaagada ee Suudaan.

Caddaynta ay ururisay Human Rights Watch ayaa tilmaamaysa in tan iyo 2024-kii, shirkad amni oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi – taas oo shati u haysata inay u shaqeyso dawladda Imaaraatka isla markaana xiriir la leh qoyska talada haya iyo saraakiisha sarsare ee Imaaraadka Carabta ay u muuqatay inay shaqaaleysiiso qandaraaslayaasha millatariga gaarka ah ee Colombia (PMCs) kuwaas oo loo diray Suudaan si ay uga barbar dagaalamaan RSF. Human Rights Watch waxa ay aaminsan tahay in dagaalyahanada lebisan dharka cad ee ay gabar goob jooge ah tilmaantay in ay u badan yihiin Qandaraaslayaasha milateriga gaarka ah Colombia, kuwaas oo garab istaagay halka dagaalyahanada RSF ay dileen rag iyo dumar, oo ay ku jiraan dadka naafada ah.

Warbixintani waxa ay ku dartay cadaymo isa soo taraya oo muujinaya dedaalada Imaaraadku ku bixinayo taageerada milatari ee RSF, taas oo Imaaraadku si adag u beeniyey, oo bixinta Qandaraaslayaasha milateriga gaarka ah Colombia ay tahay hal qayb.

Bixinta Imaaraatka ee taageerada milatari ee RSF, oo ay ku jiraan qorista iyo bixinta Qandaraaslayaasha milateriga gaarka ah iyada oo loo marayo shirkad u dhaqmaysa sidii wakiilkeeda ayaa waxay noqon kartaa caawinta uu Iimaaraadku caawiyey RSF ama mid wax ku biirisay dembiyada dagaalka iyo dembiyada ka dhanka ah aadanaha.

Hay'adda HRW waxay shegtay in Xogta ku jirta warbixintan ee ku saabsan geynta Qandaraaslayaasha milateriga gaarka ah ee Colombia ay ku salaysan tahay waraysiyo lala yeeshay laba ka mid ah dadka Kolombiya ee loo diray Suudaan si ay u caawiyaan RSF; saddex ilo xogogaal ah oo aqoon u leh shirkadaha qorista millatari ee gaarka ah ee Colombia iyo shirkado ammaan oo Imaaraatka ah; Lix qof oo deggan El Fasher oo arkay dagaalyahannada ajnabiga ah. laba qof oo reer El Fasher ah oo aqoonsaday Colombian la qabtay; iyo ilo kale oo xog ogaal ah, iyo in la falanqeeyo oo la xaqiijiyo waxa ku jira, sida Fiidiyowyo iyo sawiro; falanqaynta sawirka dayax-gacmeedka ee goobaha gaadiidka; dib u eegista dukumentiyada, oo ay ku jiraan laba gudaha Kooxda Adeegyada Amniga Caalamiga ah (GSSG) iyo afar shati oo ay bixiyeen mas'uuliyiinta UAE; iyo warbixino si guud loo heli karo oo ay bixiyaan xarumaha warbaahinta iyo ururada kale ee cilmi-baarista.

Ugu yaraan 300 oo Colombian ah ayaa la daabulay horraantii Agoosto 2024, sida ay warbixinnada warbaahintu ay muujinayaan. RSF-ta xilligaasi waxay xoojisay go'doominta El Fasher, oo ah magaalada kaliya ee ka hartay gobolka ee ay gacanta ku hayaan ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) iyo ciidamada huwanta ah, waxayna wadeen weerarro cirka iyo dhulka ah oo sii kordhaya. Caddeymo ay soo aruurisay Human Rights Watch ayaa tilmaamaya in dadka Colombia ay ka qeyb qaateen dagaaladii El Fasher iyo nawaaxigeeda, sida ay sheegayaan warbixinada warbaahintu, ayna tababaro siiyeen askartii RSF-ta ee ay ku jireen askareynta.

Shaqaalaha milatariga ka fariistay ee Colombia ayaa markii ugu horeysay shaqada ka soo ogaaday A4SI, oo ah wakaalad shaqaale qorista oo fadhigeedu yahay Colombia iyo meesha ugu horeysa ee ay la xiriiraan. A4SI waxay si dhow ula soo shaqeysay shirkad fadhigeedu yahay Abu Dhabi oo la yiraahdo Abu Dhabi Global Security Services Group (GSSG), taasoo u muuqata inay shaqaaleysiisay qandaraaslayaasha loo diray Suudaan.

Dadaalka shaqaalaysiinta wuxuu ahaa mid sir ah. Laakin intii ay ku sii jeedeen Suudaan, warbixintani waxay muujinaysaa, in qandaraasleyaashu ay sii mareen ugu yaraan laba xarumood oo milatari oo Imaaraadku ku leeyahay Imaaraadka gudihiisa. Muuqaallada ay qandaraaslayaashu ku daabaceen barahooda bulshada oo ay falanqeysay Human Rights Watch, oo ay la socdaan waxyaabo kale oo ay si toos ah u soo direen qandaraaslayaasha la wareystay ayaa tilmaamaya saldhigga milatari ee Imaaraadka Carabta ee Ghiyathi iyo xarun milatari oo muuqata inay ku taal Al Wathba, oo labaduba ku yaal Imarada Abu Dhabi, oo ah meelo ay sii maraan. Qandaraasle ayaa sheegay in uu tababar ku qaatay mid ka mid ah saldhigyada Imaaraatka. Intaa waxaa dheer, Human Rights Watch waxay aqoonsatay afar qandaraasle oo ku hakaday Imaaraadka ka hor inta aan loo dirin Suudaan.

Mid ka mid ah qandaraasleyaasha ayaa u sheegay Human Rights Watch inuu Abu Dhabi ka dhoofay "garoon diyaaradeed" oo ka baxsan magaalada. Mid kale ayaa Human Rights Watch u sheegay in markii uu Imaaraadka ku yimid diyaarad gaar ah, uusan marin qaybta socdaalka, isaga iyo qandaraasleyaal kale, ayagoo isla markiiba loo wareejiyay saldhigga ciidamada Imaaraadka ee Ghiyathi. "Ma aysan shaabadeeyn baasaboorradeena, waanu galnay oo dibadda u baxnay, waxaana jiray bas na sugayay oo na geyn lahaa xero ciidan" ayuu yiri.

Qandaraaslayaasha ayaa Human Rights Watch waxay ogaatay ka dib inay u safreen Suudaan iyada oo loo marayo shabakad adag oo shirkado gaar loo leeyahay iyo goobo laga sii gudbo, iyaga oo isticmaalaya khadadka hawada ee waddamo badan. Goobaha la sii maray waxaa ka mid ah bariga Liibiya, Boosaaso–ee maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya–iyo N'Djamena oo ah caasimadda Chad.

Qandaraaslayaasha soo maray marinka bari ee Liibiya ayey HRW sheegtay inay u safreen Imaaraadka kadibna waxay aadeen Benghazi, iyagoo sii maray dhulka Darfur. Mid ka mid ah qandaraasleyaashii soo maray jidka Boosaaso ayaa ku safray shirkado diyaaradeed oo ganacsi ku tagay caasimadda Puntland, halkaas oo uu ku sugnaa ku dhawaad 10 maalmood, ka hor inta uusan u duulin Imaaraadka. Halkaa waxa uu ka raacay duulimaad gaar ah oo uu ku tagay N'Djamena, oo ku taal Chad, halkaas oo uu ka bedeshay diyaaradda, isaga oo u duulaya Nyala, oo ah caasimadda Koonfurta Darfur ee Suudaan.

Cadaymihii ugu horreeyay ee dadwaynaha ee joogitaanka Koloombiyaanka waxay ku yimaadeen muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada Noofambar 2024, 19 bilood oo uu socday iskahorimaadka Suudaan. Saxaraha Waqooyiga Darfur, Ciidamada Isku dhafka ah ee Dhaqdhaqaaqa Halganka Hubaysan (JFASM ama Joint Forces) oo ah isbahaysi ay leeyihiin kooxo hubaysan oo gacan saar la leh ciidamada qalabka sida ee Suudaan, ayaa dhexda u galay kolonyo baabuur ah oo ka soo galay Suudaan Liibiya. Mid ka mid ah muuqaallada, dagaalyahan ayaa isaga laftiisa filim ka duubaya isagoo rogrogaya dukumiintiyo laga soo furtay kolonyada, oo ay ku jiraan baasaboorka, leysanka darawalnimada, iyo waraaqaha kale ee aqoonsiga nin u dhashay Colombia. "Waxaan qabanay calooshood u shaqeystayaal," ayuu yiri ninka duubaya filinka, "Fiiri, xitaa mid iyaga ka mid ah ma aha Suudaani."

Hay'adda HRW waxay intaa ku dartay in tan iyo bilowgii dagaalka, RSF ay dalka oo dhan ka geysatay xadgudubyo baahsan oo ay ku jiraan dil baahsan oo ka baxsan sharciga sida kufsiga, addoonsiga galmada, bililiqada, iyo burburinta kaabayaasha rayidka. Gobolada Daarfuur iyo Kordofan iyo gobolka Gezira, ayey hay'addu sheegtay inay burburiyeen magaalooyin iyo tuulooyin, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen. RSF-ta iyo maleeshiyaadka huwanta ah ayaa olole isir sifayn ah ka fuliyay Massalit iyo bulshooyinka kale ee aan Carabta ahayn ee El Geneina, ee caasimadda gobolka Galbeedka Darfur. Waxay u bartilmaansadeen dadka rayidka ah dil ku salaysan isirkooda, sia ay hay'addu sheegatay.

Warbixinta baaritaanka hay'adda oo aad u dheer ayaa lagu sheegay in saamaynta colaadda ee dadka rayidka ah ayaa ahayd mid aad u weyn. Waxay abuurtay qalalaasaha bini'aadantinimo ee ugu weyn adduunka, iyo ugu yaraan 150,000 oo qof ayaa laga yaabo inay u dhinteen natiijadaas. Qiyaastii 12.9 milyan oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii. Kala bar dadka dalka ayaa wajahaya gaajo ba'an, macluushana sida ay HRW sheegtay waa mid sii fideysa, taasoo ka dhalatay diidmada gargaarka bini'aadantinimo ee labada dhinac, iyo bililiqada baahsan iyo weerarrada lagu hayo rayidka.