Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay inuu qabanayo kulan si loo gaaro “go’aanka kama dambaysta ah” ee ku saabsan heshiiska iran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu qabanayo kulan lagu gaarayo “go’aanka kama dambaysta ah” ee ku saabsan heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta lala galay Iran.
Wuxuu sheegay in Iran “ay tahay inay oggolaato inaysan waligeed yeelan doonin hub nukliyeer ama bam nukliyeer,” sidoo kalena marin-biyoodka Hormuz dib loogu furo “isu-socodka maraakiibta si xor ah oo aan xannibaad lahayn, labada jiho.”
Waxa uu sidoo kale sheegay in miinooyinka lagu aasay marin-biyoodka “la burburiyo.”
“Waxaan hadda ku kulmaynaa Qolka Xaaladaha Degdegga ahsi aan u gaaro go’aanka ugu dambeeya,” ayuu ku qoray bartiisa Truth Social. Iran weli kama aysan hadlin arrintan.
Tani waxay timid kadib markii saraakiil Mareykan ah ay u sheegeen BBC-da in labada dal ay ku heshiiyeen qaab-dhismeed heshiis — oo ama is af-garad— kaas oo sugaya ansixinta Trump iyo hoggaanka Iran.
Sida la sheegay, heshiisku wuxuu kordhinayaa xabbad-joojinta muddo 60 maalmood ah, isla markaana wuxuu bilaabayaa wada-hadallo ku saabsan mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Qoraalkiisa, Trump wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu qaado xayiraadda Mareykanka ee marin-biyoodka Hormuz, isla markaana maraakiibta ku xanniban halkaas “ay bilaabi karaan safarkooda,
Wuxuu sidoo kale ku adkaystay in Iran ay u oggolaato Mareykanka inuu qaado oo burburiyo uranium-ka la beekhaamiyay ee ay haysato.
“Wax lacag ah lama kala wareejin doono ilaa amar dambe,” ayuu yiri. “Waxyaabo kale oo muhiimaddoodu aad uga yar tahay ayaa lagu heshiiyey.”


















