Gobolka Bariga Dhexe ayaa saacadihii la soo dhaafay galay xaalad sii xumaaneysa oo isku mar ka taagan dhowr jiho, iyadoo duqeymaha Israel ay sii socdeen koonfurta Lebanon, isla markaana ay jireen weerarro is dhaafsi ah oo u dhexeeya Hezbollah iyo ciidanka Israa’iil.
Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in tirada dhimashada tan iyo 2-dii Maarso ay gaartay 2,846 qof, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafeen 8,693 qof.
Isla waqtigaas, xiisadda marinka Hormuz ayaa sii korortay kadib digniino Iran ay u dirtay dalalka fulinaya cunaqabateynta Mareykanka, iyadoo sheegtay inay la kulmi karaan dhibaatooyin dhinaca isu socodka badda ah.
Tehran ayaa sidoo kale xaqiijisay inay jawaabteeda ku saabsan soo jeedintii ugu dambeysay ee Mareykanka ee lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka u gudbisay dhexdhexaadiyaha Pakistan, iyadoo sheegtay in jawaabtaasi ay diiradda saareyso:
- joojinta dagaalka dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan,
- iyo sugidda amniga isu socodka maraakiibta.
Dhanka caalamka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in jawaabta Iran ay tahay “mid aan la aqbali karin,” isagoo carrabka ku adkeeyay in ikhtiyaarka militari ee ka dhanka ah Iran uu weli miiska saaran yahay.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isna sheegay in “dagaalka Iran uusan wali dhammaan.”
Dhanka kale, Qatar ayaa ku dhawaaqday in ra’iisul wasaaraheedu uu la yeeshay mas’uuliyiin Mareykan iyo Iranian ah wadahadallo ku saabsan dadaallada dhexdhexaadinta iyo dejinta xiisadda gobolka.