Nin ka badbaaday gantaallada Iiran oo BBC-da la hadlay balse wali la la'ayahay saaxiibkiis

Marinka Hormuz

Xigashada Sawirka, Sunil Pereira

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

"Waxaan dareemay markabka oo dhan oo gariiraya. Waxaan moodayay inay cilad ka dhacday matoorka. Laakiin isla markii aan ka baxay qolkeyga, waxaa dhacay qarax kale."

Sunil Puniya, oo 26 jir ah, wuxuu ku jiray shaqadiisii ugu horreysay ee badda markii gantaal uu ku dhacay markabka shidaalka qaada ee Skylight saacadihii hore ee 1-da Maarso.

Markabkaas oo uu Maraykanku cunaqabatayn saaray ayaa ka soo shiraacday Dubai, wuxuuna ku dhowaa marin-biyoodka Strait of Hormuz, oo ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan dunida. Skylight wuxuu ahaa markabkii ugu horreeyay ee ganacsi ee la weeraro kadib markii dagaalkii u dhexeeyay Maraykanka, Israa'iil, iyo Iiraan uu ka qarxay gobolka.

Waqtiga weerarku dhacay, Sunil wuxuu hurday qolkiisa oo ku yaallay dabaqa saddexaad. Wuxuu soo toosay isaga oo arkaya markabka oo qalalaase qariyay. Gantaalku wuxuu ku dhacay qolka matoorka, taas oo sababtay dab si degdeg ah ugu fiday markabka oo dhan.

"Korontadii oo dhan way go'day, qiiqna meel walba ayuu ku faafay," ayuu yiri. "Qof walba neefsashada ayay ku adkayd."

"Waxaa jiray qaar ka mid ah badmaaxiinta ka yimid Koonfurta Hindiya oo ooyaya isla markaana si argagax leh ugu wacaya ehelladooda. Waxaan u sheegay inay joojiyaan wicitaannada, waxaanan ka caawiyay inay kor ugu soo baxaan sagxadda markabka."

Laakiin markii ay gaareen sagxadda, dabku mar hore ayuu ku sii fiday.

"Gaasku meel walba ayuu ku daatay," ayuu yiri Sunil Puniya. "Ololkii dabka ayaa nagu soo dhawaaday , sidaas darteed waxaan isku tuurnay badda."

'Wuxuu noqday walaalkey oo kale'

Hormuz

Xigashada Sawirka, Family of Dalip Rathore

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ciidanka Badda ee Oman ayaa bilaabay hawlgal samatabixin ah saacad gudaheed kadib weerarka, waxayna biyaha ka soo badbaadiyeen dadkii noolaa. Laakiin dhammaan dadka lama helin.

"Isla markii aan ogaaday in Dalip Rathore aanu meesha joogin, markaas ayay arrintu si dhab ah ii taabatay," ayuu yiri Sunil Puniya. "Waxaan bilaabay inaan argagaxo. Waxaan si joogto ah uga fikirayay: sideen uga jawaabi doonaa qoyskiisa?"

Dalip Rathore, oo 25 jir ahaa, wuxuu ku biiray markabka Skylight maalin kadib Sunil. Hindiya waa mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee shaqaalaha badmaaxiinta u diraa maraakiibta caalamka, balse Dalip iyo Sunil waxay ogaadeen inay ka yimaadeen tuulooyin deris ah oo ku yaalla gobolka Rajasthan, waxayna si degdeg ah u noqdeen saaxiibo dhow.

"Waxaa jiray dhibaatooyin dhanka shabakadda ah markabka, sidaas darteed si badan uguma wici karin guryaha," ayuu yiri Sunil. "Waqtiyadaas, Dalip wuu ila joogay. Wuxuu ii noqday sida walaal."

Saacado yar ka hor weerarka, Dalip ayaa la wareegay shaqadii ilaalinta ee Sunil ee qolka matoorka meesha uu gantaalku ku dhacay.

Dalip iyo kabtankii markabka, Ashish Kumar, labaduba waxay ku dhinteen weerarka. Inkastoo qaar ka mid ah meydka kabtanka la helay, haddana jirka Dalip weli lama helin.

Badmaax

Xigashada Sawirka, Sunil Puniya

Sheekadoodu waa qayb ka mid ah qalalaase ballaaran oo ka socda marin-biyoodka Hormuz. Bilowgii dagaalka, Iran ayaa si degdeg ah uga jawaabtay weerarradii lagu qaaday iyadoo xirtay marin-biyoodka, taas oo hakisay waddo muhiim u ah 20% shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee dunida laga dhoofiyo.

Shirkadda sirdoonka maraakiibta ee Kpler ayaa u sheegtay BBC Verify in 38 markab oo ganacsi lagu weeraray gudaha iyo hareeraha marinka tan iyo markii colaadda bilaabatay. Xogtoodu waxay muujinaysaa in 24 markab ay weerartay Iran, afarna uu weeraray Maraykanku, halka inta kale aan weli la xaqiijin cidda weerartay.

Dagaalku wuxuu sababay in boqolaal maraakiib ah ay awoodi waayaan inay maraan marin-biyoodka. In ka badan 20,000 badmaaxayaal ah ayaa hadda ku xaniban gacanka, sida ay sheegtay International Maritime Organization.

Sida uu dhigayo sharciga badaha, milkiilayaasha maraakiibta ayaa mas'uul ka ah daryeelka iyo dib-u-celinta shaqaalahooda. Haddii milkiilayaashu tallaabo qaadi waayaan, mas'uuliyadda waxay markaas saarmaysaa dalka uu markabku calankiisa sito iyo ugu dambayn maamulka dekedaha.

Milkiilayaal badan ayaa shaqaalahooda ku xayirmay marin-biyoodka u abaabulay sahay, iyagoo adeegsanaya doomaha yaryar si ay cunto iyo waxyaabaha daruuriga ah ugu geeyaan maraakiibta taagan xeebaha agtooda.

Tan iyo markii colaaddu sii xoogaysatay, ITF , oo ah urur taageera badmaaxayaasha dhibaataysan, ayaa sheegtay inay heshay in ka badan 2,000 oo codsi gargaar ah oo ka yimid shaqaale saaran maraakiib ganacsi oo kala duwan kuwaas oo ku xayirmay gudaha iyo agagaarka marinka.

Dhibaatooyinka la soo sheegay waxaa ka mid ah mushahar aan la bixin, muranno heshiisyo shaqo, dhibaatooyin ku saabsan sidii guryaha loogu laaban lahaa, iyo yaraanta sahayda aasaasiga ah sida cuntada iyo biyaha.

Mohamed Arrachedi, oo ah isku-duwaha shabakadda International Transport Workers' Federation (ITF) ee dalalka Carabta iyo Iiraan, ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha maraakiibta ay si dhab ah ugu go'doonsan yihiin badda.

Xaalad is rasaasayn Marinka Hormuz

Wuxuu la wadaagay BBC farriimo cod ah oo ka yimid saddex badmaaxayaal ah oo hadda ku xiran doon yar oo taagan xeebaha Oman.

Codka la duubay, raggaasi waxay ku codsanayaan gargaar, iyagoo sheegaya inay gabaabsi ka yihiin sahayda aasaasiga ah isla markaana aanay wax war ah ka helin milkiilaha markabka muddo bilo ah.

Qoysaska Sunil Puniya iyo Dalip Rathore midkoodna ma sheegin inay wax xiriir ah ka heleen milkiilaha markabka tan iyo weerarka kadib.

Falanqeeyayaasha arrimaha badaha ayaa sheegay in cunaqabatayntu ay beddeshay habka ay qaar ka mid ah maraakiibtu u shaqeeyaan, iyadoo maraakiib badan ay hadda ku tiirsan yihiin qaabab lahaansho oo aan caddayn, beddelka calamada iyo shirkadaha caymiska, iyo shabakado maamul oo adag si ay u sii wadaan ganacsigooda.

Khubaradu waxay sheegayaan in dhaqamadan ay aad uga dhigaan mid adag in la ogaado cidda ugu dambayn mas'uulka ka ah markabka marka wax qaldamaan.

Skylight waxaa cunaqabatayn saaray Maraykanka bishii Diseembar ee sannadkii hore kadib markii lagu eedeeyay inuu qaadayay shidaal Iiraani ah. Kadib arrintaas, markabku wuxuu waayay caymiskiisii, sidoo kale mar dambe kama diiwaangashanayn dal gaar ah arrintaas oo loo yaqaan "flag state", taas oo ah dalka mas'uulka ka ah hirgelinta heerarka badbaadada iyo sharciyada markabka ganacsiga.

Markabku hore waxaa u caymin jirtay Hydor, balse afhayeen u hadlay shirkadda ayaa BBC u sheegay in caymiskoodu dhammaaday markii Maraykanku cunaqabataynta saaray markabka. ITF waxay sidoo kale xaqiijisay inaan jirin shirkad kale oo caymis ah oo markabka loo diiwaangeliyay kadib.

Waxaan sidoo kale aragnay waraaqo ka yimid Palau oo ahaa dalkii hore ee calanka markabka lala xiriirin jiray kuwaas oo sheegay in kadib cunaqabataynta Maraykanka, Skylight laga saaray diiwaanka dalkaas isla markaana aanu mar dambe hoos iman calankiisa.

Markii BBC ay la xiriirtay mid ka mid ah wakiilladii ku lug lahaa shaqaaleysiinta Sunil Puniya, wuxuu yiri: "Ma hayno wax macluumaad ah oo sheegaya inuusan markabku lahayn caymis." Wuxuu ku andacooday in mas'uuliyaddu saarnayd wakiil kale oo ku sugan Dubai. BBC waxay wacday oo fariimo u dirtay wakiilkaas fadhigiisu yahay Dubai, balse wax jawaab ah lagama helin.

Sunil wuxuu sheegay inuusan mar dambe ku laaban doonin shaqada badda.

"Weli ma aanan helin geesinimadii aan ku tagi lahaa oo aan ku arki lahaa qoyska Dalip Rathore," ayuu yiri.

"Haddii aan arko gurigiisa… waxaan dareemi doonaa joogitaankiisa, waxaana maskaxdayda ka sawiran doona isaga oo halkaas jooga. Aad ayaan ugu xiisay."